Gudigii farsamada maamul usamaynta Galmudug ee dowlada federaalka magacowday oo gudoomiye doortay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in guddiga doorashada galmudug ee ay dhowaan dowlada federalka magacaabeen inay doorteen guddoon.

Guddigan ayaa guddoomiye waxa ay u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka ku xigeen loo doortey Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga.

Guddoonkaan la doortay ayaa imanaya iyadoo uu khilaaf xoog leh ka jira guddiga farsamada doorashada Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada federalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku guuleysan waayay inuu xaliyo khilaafka dhinaca doorashada ah gaar ahaan guddiga doorashada ee u dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Galmudug.

Wararka kale ee ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Guddiga kale ee Maamul u sameynta Galmudug ee uu magacaabey madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ay iyaguna doortaan guddoon Cusub