Guddoomiye Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta oo Arbaco ah dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Magaaladda Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo howl wadeenada Golaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JF Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wadamada uu tagay waxaa ka mid ah Dalka Turkiga, waxaana intii uu joogay uu la soo kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka JFS Cabdi kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay in uu socdo u diyaar garowga furitaanka kalfadhiga Saddexaad ee golaha shacabka oo dhawaan si rasmi ah u furmi doono.