Galmudug oo ku baaqday in la gargaaro dadka Abaaruhu Saameeyeen (War-saxaafadeed)

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa baaq u dirtay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka, waxayna arinta abaaraha ka jira deegaanada Galmudug u saartay guddo 11 xubnood ah.

Jiilaal daran ayaa jira inta badan deegaanada Galmudug, roobkii deyrta ayaan wali si fiican uga di’in, xoolo dhaqatada qaar ayaa waxaa dhaafay inta badan xoolihii, mana jirto cid isku howshay kaalmeynta dadka tabaaleysan.

Madaxda Galmudug ayey u muuqataa in waxqabadkoodu dhaafin warqad lasoo saaro, waxaana xusid mudan in aan meel lagu sheegin deeq raashin turkigu ugu deeqay bulshada Galmudug, deeqdaas oo gaaraysay ilaa 24,000 kiish, waxaana dadka ugu war dambeysay in bishii Agoosto 2016 in raashinkaas lagu dajiyey bakhaaro ku yaala Galkacyo.

Hadaba hoos ka aqriso warqada baaqa ah
screenshot_2016-11-25-01-28-28-1

Comments are closed.