Gaari ku Qaraxay Bar kontorool Duleedka Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Bar Koontarool ku taal Siinka Dheer duleedka magaalada Muqdisho , Bartan ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka NISA .

Sida aan Wararka ku heleyno gaari yar oo nuuca raaxada lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay Koontaroolka Siinka Dheer ay ku sugnaayeen Ciidamada Nabad Sugida, waxaana la sheegay in ciidanka Dowlada ay gaarigaasi qabteen kahor inta uusan qarxin.

sinka_1

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo katirsan ciidanka Nabad Sugida iyo ninkii watay gaariga qarxay ayaa goobtaasi ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhawacamay qaraxaasi dad shacab ah iyo ciidamo kale oo katirsan Nabad Sugida.

sinka_215326375_1282384865138011_4763019353606168477_n
Sargaal katirsan ciidanka Nabad Sugida ayaa sheegay in gaariga qarxay ay qabteen ciidanka Nabad sugida uuna halkaasi ku qarxay iyada oo baaritaano lagu hayay, walina lama oga bartilmaameedka rasmiga ah ee ku wajahnaa gaarigaasi qarxay.

sinka_3

Tagged