Farmaajo Oo Cambaareeyay dadkii lagu laayay Masar

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee maalinta shalay lagu qaaday masaajid ku yaalla dalka Masar, xilli dad fara badan ay ku cibaadeysanayeen salaadii jimcaha.

Weerarkan oo lagu dilay 235 ruux, halka 109 kale lagu dhaawacay ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddooyinkan soo mara dalka Masar oo lagu dilay dad ku jira masaajid ay ku cibaadeysanayeen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo ka mid adduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale weerarkaas oo ahaa mid waxashnimo ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah Madaxda caalamka oo ku tilmaamay in weerarkaas uu ahaa mid ka baxsan bani’aadanimada iyo Diinta Islaamka in dad meel ku cibaadeysanaya oo aan waxba galabsan la laayo.