Dusmareeb: 3 Musharax oo u taagan xilka Gudoomiyaha Barlamaanka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dusmareeb ee caasimadda Galmudug waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo lagu doorto gudoomiyaha Barlamaanka. Jagadaan ayaa Waxaana u sharaxan saddex musharax oo ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. kadib markii ay xildhibaanada Beesha Sure lagu qanciyey in beel kaliya ku tartanto kursiga gudoomiyaha Barlamaanka.

Saddexdan Musharax ee ku loolamaya kursigan ayaa waxaa kala wata Madaxweyne Xaaf iyo ururka Ahlu Sunna, waxayna kala yihiin.

  1. Ismaaciil Cabdulle Axmed : Waa ninka la filayo inuu ku guuleysto gudoomiyaha Barlamaanka, waxaana taageersan xildhibaanada Ahlu Sunna, waa 49 jir, heysta Shahaado Jaamacadeed, wuxuuna muddo ku soo jiray ururka Ahlu Sunna.

  1. Aadan Xasan Gardheer: Waa Korneyl hore booliska Soomaaliya, waxa uuna ku dhashay Ceelbuur, halkaas oo uu waxbarashada Aasaasiga ku dhigtay.

  1. Salaad Axmed Ceynte : Waa Sarkaal hore Xoogga dalka qeybta sirdoonka, wuxuuna wax ku bartay Muqdisho.

Ismaaciil Cabdulle oo ah ninka loo saadaalinayo inuu ku guuleysto kursigan ayaa haddii uu helo, waxay xoojin doontaa siyaasadii ururka Ahlu sunna ku doonayeen in ay kula wareegaan Siyaasadda Galmudug, sidoo kale doorashadan ayaa horseedi doonta in uu dheeraado xal u helidda khilaafka Galmudug.

Siyaasadda Galmudug ayaa hadda u eg Ciyaarta “Waalo gacan dhowr ah“, waxaana la sugayaa hadii doorashadan dhacdo in maalmo kadib Cadaado lagu doorto Madaxweynaha Galmudug.