Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Bari

Wararka Maanta

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn la beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay Mareykanka ayaa la sheegay inay duqeeyeen qeybo ka mid ah Buuraha Isha Gaaca iyo Moqor oo qiyaastii 75km dhanka bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi dhinaca cirka ah uu ka dhashay khasaaro kala duwan, balse aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijin karta.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ee ku sugan dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen inay ka war hayeen duqeyntaas,isla markaana lagu waxyeeleeyey Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

14-kii Bishii April ee Sanadkaan ayaa duqeyn diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay ka fuliyene deegaan lagu Magacaabo xiriiro oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay kuxigeenkii hoggaamiyaha Kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xakiin Maxamed Ibraahim oo loo yaqaanay (Dhoqob).