Doorasho maanta ka dhacaysa Baydhabo

Wararka Maanta

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa maanta inay ka qabsoonto doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanka Kursigaan ka geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere .

Xildhibaanka  ayaa ku geeriyooday  28/April/ sanadkii 2018 Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta Kursigaan u taagan waxaa ka mid ah:

  1. Isaaq Khaliif Sheekh
  2. C/qadir Shekh Maxamed Nuur
  3. Xasan Macallim Ibraahim
  4. C/laahi Shekh Maxamed