Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Caawa laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa caawa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan, kadib markii ciidanka Dowladdu rasaas kooban ku rideen xerada Inji oo ah fadhiga Hoggaanka Ahlu Sunna.

Dhanka kale Ahlu Sunna ayaa ciidan geysay xarunta degmada Dhuusamareeb, sidoo kale ciidanka dowladda ayaa wada dhaqaaq.

Xiisadda Siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay kadib markii labada Dhinac (Dowladda iyo Ahlu Sunna) ay magacaabeen guddiyo iska soo horjeedo.

Shalay ayay ahayd markii magaalada dhuusamareeb ay ka dageen gudigii farsamada ee ay magacowday dowlada federaalka waxaana xalay iyo maanta magaalada dhuusamareeb kasocday kulamo lagu kala taageerayo gudiyada iska soo horjeeda ee ay soo magacaabeen dowlada iyo ahlu-sunna waljamaaca