DEG DEG: Xubno Shabaab ka tirsanaa oo is soo Dhiibay

Wararka Maanta

Sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa isku soo dhiibay Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa Gobalada Bay iyo Bakool Koonfur Galbeed.

Dagaalamayaashaan oo ka koobnaa ilaa 3 Askari ayaa iska dhiibay magaalooyinka Waajid iyo Qansax Dheere oo ka kala Tirsan Baay iyo Bakool sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka.

Labo ka mid ah Ciidamadaan ka soo goostay Shabaab ayaa iska dhiibay Degmada Qansax dheere ee gobalka Bay halka midka kalane uu iska dhiibay degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Ciidamada isdhiibay ee la sheegay in ay ka soo goosteen Al-Shabaab ayaa watay hubkii ay ku dagaalamayeen oo u badnaa qoriga AK47 waxaana hubkooda kala wareegay Ciidamada amaanka.

Saraakiisha amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta maamulka ku jiraan Ciidankaasi islamarkaana dhaqan celin lagu sameyn doono iyadoo kuwa kale ee ka tirsan Shabaab ay maamulka ugu baaqeen in ay ku soo biiraan Maamulkooda.

Hogaamiyeyaasha Al shabaab ayaa walwal xoogan soo wajahay ka dib markii Dagaalyahanada Shabaab ee isa soo dhiibaya ay aad u kordheen taas oo sababi karta in la ogaado Masuuliyiintaan halka ay ku dhuumaaleysanayaan ama ay bixiyaan sir burburin karta awooda Al shabaab.