Daawo: Mashruuca Balaarinta Dhismaha isbitaalka Cadaado oo la dhagax dhigay

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirada Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug  Marwo Naciimo Maxamuud Maxamed iyo gudoomiyaha degmada Cadaado Mudane Cabdullaahi C/raxmaan Tootoole ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Mashruuca balaarinta dhismaha isbitaalka guud ee degmada Cadaado oo ah xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag ka badan 300,000 dollar, lacagtaas 80% waxaa ku deeqday Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund), halka 20% ay bixiyeen dadka deegaanka, sidoo kale dadka deegaanka ayaa ku tabarucay dhulka lagu balaarinayo isbitaalka, Mashruucaan ayaa waxaa fududeynaya hay’ada CPD.

Mashruucan balaarinta dhismaha isbitaalka Guud ee degmada Cadaado ayaa noqonaya midkii ugu balaarnaa ee laga fuliyo isbitaalka, goobta dhagax dhiga waxaa ku sugnaa saraakiil ka socotay hay’ada CPD, guddigga Tabarwadaag ee gacanta ku haya mashruucaan, iyo martisharaf kale.

14910459_366612317006140_1660153404824287681_n

Comments are closed.