Daawo: Alshabaab oo 44 Askari looga dilay Baxdo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kooxda Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana iska caabin xooggan kala horyimid ciidamada deegaanka iyo daraawiishta Galmudug.

Dagaalka oo qaatay qiyaastii saddex saacadadood ayaa kooxda Alshabaab waxaa kasoo gaaray jab xooggan, waxaana tirada guud ee meydadka ay ka carareen gaarayaan 44 nin oo ay ku jiraan saraakiil ( 29 waxaa looga dilay gudaha magaalada, halka 15 looga dilay duleedka magaalada halkaas oo looga daba tagay ciidankii Alshabaab ee ka baxay magaalada).

Ciidanka Xoogga Dalka , Danab, iyo NISA ayaa gurmad ahaan uga qeybgalay dagaalka, waxaana ciidanka ka daba tageen Alshabaabkii ka baxay degmada Baxdo.

Dadka deegaanka iyo ciidamada Dowladda ayaa waxaa dagaalka uga dhintay 4 qof, iyo dhawaaca ku dhawaad 20 kale.

Maxaa keenay Fashilka weerarkii Alshabaab?

  • Ciidamada deegaanka oo diyaargarow fiican sameeyey, iyaga oo xog ka hayey weerarka Alshabaab.
  • Ciidamada Alshabaab oo ay yareyd xogaha sirdoon ay ka hayeen difaacyada ciidamada deegaanka
  • Fashil ku yimid gaarigii siday Qaraxa oo ay doonayeen Alshabaab in ay la beegsadeen taliska ciidamada deegaanka
  • Qaar ka mid saraakiishii hogaaminayey dagaalka oo goobta ku geeriyooday,
  • Gurmadyo deg deg ah oo ay heleen ciidamada deegaanka, gurmadyadaas oo kala yimid Cadaado, Bajeela, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, iyo miyiga ku hareeraysan Baxdo.