C/raxmaan C/shakuur “Heshiiskii MoU ee aan saxiixay wuxuu difaacayaa Danaha Soomaaliya”

Wararka Maanta

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa jawaab ka bixiyay eedeymo loogu jeediyay inuu iibsaday Badda Soomaaliya, isagoo difaacay go’aankii uu ku saxiixay heshiiskii is afgaradka ahaa ee la saxiixay 2009-kii.

Mr Warsame ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in heshiiska uu saxiixay 2009-kii uu difaacayo danaha badda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay socdaan dacaayado iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah isaga, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid, kaasoo uu xusay inay wadaan kooxo abaabulan oo u adeegaya musharraxiin kale, balse ma aanu sheegin magacyadooda.

Qoraalka uu soo dhigay C/raxmaan C/shakuur bartiisa Facebook halkan hoose ka akhriso:-

1- Waxaan aad ugu kalsoonahay kartida iyo xirfadda garyaqaanadda Soomaaliya u metelaya dacwadda Maxkadda Caalimga ee Heeg ka socota. 

2- Waxaan ku kalsoonahay in MoU aan saxiixnay 2009 uu difaacayo danaha Soomaaliya khuseeyana qalfoof badeedka ( continental shelves) oo uu san shaqo ku lahayn xuduud badeed (Maritime bounders). Waxaan taas cadayn doona dooda Qareenadda Soomaaliya metelaya. MoU wuxuu fure u yahay in dacwadda Maxkadda la keeno maadaama wadooyinkii wadahadalka aysoo xirmeen. 

3- Waxaa baraha warbaahinta ka socda dacaayad iyo Olole siyaasadeed oo ka dhan Aniga, Shiekh Sharif iyo Cumar C/rashiid kasoo ay wadaan kooxo abaabulan, oo uu adeegaya musharraxiin kale. Waxaa haboon in aan Qadiyad heer Qaran joogta hanti qaranna ah loo adeegsan Olole doorasho oo lagu dhawaacayo sumcadda iyo sharafta masuuliyiin iyo musharraxiin kale. Madaxda iyo Musharraxiinta arrinkaan ku hawlan Waxaan leenahay “Waa ceeb in aad biyo calaw ah ka kaluumaysataan”. 

4- Maadaama aan dan guud ka shaqayno waxaan u bareeenay in aan dulqaad u yeelano aflagaadadda, been abuurka iyo buhtaanka, waana wado na looka horeeyey. Sayidunaa Caa’isha ayaa lagu been abuurtay ilaa heer Nabiga iyo xigtadiisa ay ku kala dhinteen, markii danbe uu Ilaaheey beri yeelay. Waxaan ugu baaqaynaa in aan laga hordhicin dooda qareenadda lagana warsugo jawaabta ay bixiyaan.

5- Waxaan diyaar u ahayn in si buuxda u qaado masuuliyadda wixii aan ku gabood falnay, Waa in sidaasoo kale aan wixii guul ahna aan abaalkeeda u yeelanaa

Jawaabta ka soo yeertay Musharrax C/raxmaan C/shakuur ayaa loo arkaa mid uu isku difaacayo, isla markaana uu dhinac isaga riixayo dacaayadaha siyaasadeed ee durbaba khal khal geliyay ololihiisa doorashada.

Dhageysigii shalay ee Maxkamadda Hague ayaa lagu soo hadal qaaday heshiiskii is fahamka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii May ee sanadkii 2009-kii, waxaana Xeer Ilaaliyaha Qaranka Kenya uu magac dhabay C/raxmaan C/shakuur oo waqtiga uu heshiiska saxiixayay ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Cumar C/rashiid oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG ah.