Ciidankii u horeeyay ee turkiga ka socda oo u amba baxay liibiya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Turkiga ayaa bilaabay in Ciidamadii u horeeyay u diro dalka ay dagaalada ka socdaan ee Libiya, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo balan-qaaday in Ciidamadiisa ay taageeri doonaan dowladda taagta daran ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Ciidamo fara badan oo Turkiga ayaa la sheegay inay dhanka Badda Meditrean-ka kaga dhaqaaqeen dhinaca iyo Libiya, si ay tartiib tartiib ugu siqaan dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo wareysi siiyay Fiidnimadii Axadii Telefishinka CNN ayaa sheegay in Ciidamada Turkiga ay ka qeyb qaadan doonaan tababarka iyo taageerida dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez Al-serraj, taasoo muddooyinkii u dambeeyay wajaheysay dagaalo kaga imaanayay Ciidanka uu hoggaamiyo Jen. Khalifa Haftar.

Erdogan ayaa sheegay in Ciidamada Turkiga ay dhisi doonaan xarun howlgal, ayna xoogga saari doonaan isku duwida iyo tababarka Ciidamada, sidoo kale wuxuu caddeeyay in si tartiib tartiib ah ay ciidamadii u horeeyay ee Turkiga ah ugu ambaxeen Libiya, kaddibna ay raaci doonaan Ciidamo kale oo dheeraad ah.

Hadalka Mr. Erdogan ayaa yimid kadib markii baarlamaanka Turkiga uu Khamiistii ansixiyay qaraar ciidan loogu dirayo Libya, iyadoo Bishii la soo dhaafay Turkiga uu heshiis dhanka dhaqaalaha ah la saxiixday Tripoli, waxaana dowladda al-Serraj ay codsatey kaalmo militari.

Reer Galbeedka ayaa walaac ka muujinaya in dagaalka u dhaxeeya Ciidamada uu hoggaamiyo Jen. Khalifa Haftar iyo dowladda Libiya inay sii kororto.

Ciidamada uu hoggaamiyo Jen. Khalifa Haftar ayaa taageero ka helaya Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar, halka dowladda KMG ee Libiya taageero ka heleyso dalalka Qatar iyo Turkey.