Ciidamada Amaanka oo soo gabangabeeyey weerarkii Banadir Beach

Wararka Maanta

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow soo gabagabeeyay howlgal ayaa caawa ka fuliyeen Maqaayadda Banaadir Beach, halkaas oo weerar isugu jira Qaraxyo iyo rasaas dabasocotay ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay gudaha u galeen Maqaayadda, islamarkaana Xaqiijieen Ammaanka Goobta oo ay ka dagaalamayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

“Ciidamada ayaa hadda Xaqiijiyay Ammaanka, dhammaan wey toogteen maleeshiyaadkii ku jiray gudaha Maqaayadda, Xaaladda Ammaankana wey xaqiijiyeen” sidaasi waxaa SONNA u sheegay Col Bishaar.

Col Bishaar ayaa Sheegay in tirada guud ee dhimashada ay gaareyso 9 ruux oo Shan kamid ah ay yihiin dad Shacab ah, 2 Askari oo Ciidamada Ammaanka iyo 2 nin oo ah dableydii weerartay Maqaayadda Banaadir Beach, dhaawana uu yahay 2 qof oo kaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in mid kamid ah kooxdii weerarka Soo Qaaday gacanta lagu hayo isagoo dhaawac ah, iminkana la dabiibayo.

Kooxaha Gurmadka Degdegga ayaa damiyay dab ka dhashay Rasaastii ka socotay Gudaha Maqaayadda.

Tagged

Comments are closed.