China Oo Markab Dagaal Usoo Diray Xeebaha Soomaaliya

Wararka Maanta

Dowladda China ayaa Markab ka mid ah kuwa dagaalka, sidoo kalena Diyaaradaha qaada u soo dirtay Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo howlgalka ka dhanka ah Burcad badeedda iyo ilaalada Maraakiibta Ganacsiga ee maraya Biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Markabkan oo ah midka 31aad ee Ciidanka Badda dalka China ayaa ka soo amba baxay Magaalada Zhanjiang ee Koofurta Dalka China.

Markabka ayaa howlgalkiisa biyaha Soomaaliya bilaabay Axadda maanta ah,waxaa uu qaadaa Maraakiibta yar yar,diyaaradaha dagaalka iyo Gantaallada qaar.

Waxaa la socda 700 oo Saraakiil iyo Ciidan isugu jira,waxaa kale oo uu wadaa 3 diyaaradood oo kuwa Helicopters-ka ah, iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

Tobankii sano ee ugu dambeeyay China ayaa Biyaha Soomaaliya u soo dirtay Maraakiib waday 26,000 oo Askari,kuwaas oo intii ay howlgalka ka wadeen biyaha Soomaaliya si nabad ah ku gudbiyay 6595 Markab.

Markabkan ayaa waxaa uu sidoo kale horay uga qeyb qaatay bad baadada dadka China ee ku sugan goobaha colaadaha sida Liibiya iyo Yemen.