Galmudug oo bilaabaysa doorashada Golaha Shacabka BFS

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka hadlayey munaasabadda sagootinta Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5ta xubnood ee ugu horreysa doorashada aqalka hoose. Guddiga […]

Continue Reading

Barlamaanka Galmudug Ansixiyey degmanimada Guriceel

Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Degmanimada Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, kadib soojeedinta Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug. Golaha wasiirada Galmudug ay horey u ansixiyey in Guriceel degmo loo aqoonsado. Waxaana hindisahan horgeeyay baarlamaanka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug si loo soo dhameystiro habraaca degmada Guriceel. Guriceel ayaa ka mid ah magaalooyinka […]

Continue Reading

RW Rooble oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan. Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha […]

Continue Reading

Daawo: Xil. #Mahad Salaad oo Weerar Afka ku qaaday Ahlu Sunno

Xildhibaan Mahada Maxamed Salaad oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa weerar afka ku qaaday Hoggaanka ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ee dhawaan laga saaray Magaalada Guriceel kadib dagaalo socday muddo afar maalmood. Xildhibaanka ayaa hadalkaan ka jeediyey Munaasabad ay isugu yimaadeen waxgaradka deegaanka, halkaan ka daawo Muuqaalka […]

Continue Reading

Madaxweyne Qoorqoor oo booqday ciidamadii Ahlu Sunno ka saaray Guriceel

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta booqasho iyo kormeer ku tagay xeryaha ay ku suganyihiin ciidamada qalabka sida ee Degmada Guriceel. Madaxweynaha oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada u jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn ku ammaanay Ciidanka Qalabka Sida wanaagsan ay uguteen […]

Continue Reading