Home » Archives by category » Wararka Dibadda (Page 2)

Dowladda Itoobiya oo aqbashay is casilaadda Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka.

Share This Post

Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga talada dalka haya ee Itoobiya, EPRDF, ayaa ugu danbeyn aqbalay is casilaadda Abadula Gemeda oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dadweynaha. Abadula Gemeda  ayaa sheegay in ixtiraam la’aanta lagula dhaqmayo dadkiisa ay tahay sababta ugu weyn ee go’aankiisa, hase yeeshee wuxuu wali sii hayn doona booskiisa  xildhibaanimo.…

Bilayska Masar oo diley 9 ka mid ah dagaalyahanada lagu tuhunsan yahay weerarada argagixisada.

Share This Post

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masaarida ayaa shaacisay Axaddii in sagaal tuhmane oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerarro lagu qaaday gacanka Sinai Peninsula  lagu dilay howlgal bilays oo ka dhacay waqooyiga bari ee dalka, Kooxda, oo ku salaysan gobolka Sharciya, waqooyiga Bari ee Qaahira, ayaa lagu eedeeyay weerarrada…

Xabbad joojintii Koorfur Suudaan oo ku dhow inay Jabto

Share This Post

Xukuumada Koonfurta Suudaan iyo kooxda mucaaradka ah ee ugu weyn ayaa ku eedeeyay midba midka kale inuu jebinayo heshiiska xabbad joojinta ah oo dhaqangalay habeenkii axada. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa ahaa tallaabadii ugu dambeysay oo xal looga gaari lahaa dagaalka afarta sano socday oo bilaabmay ka dib markii uu khilaaf soo…

Xabad Joojin Lagu soo Afjarayo Xiisadda Suudaanta Koonfureed oo Hirgashay

Share This Post

Xabad joojin ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay waddankaasi afartii sano ee lasoo dhaafay. Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa…

Turkiga oo shaqaale dheeraad ah shaqada ka eryey

Share This Post

Turkiga ayaa sheegay in 2,756 qof laga eryey shaqooyinkii ay ka hayeen hay’adaha dawladda, kuwaasoo ay ku jiraan askar, macallimiin iyo shaqaalaha wasaaradaha qaarkood, waxaana lala xiriirinayaa ururro ‘argagixiso’. Shaqaalaha la eryey ayaa la sheegay in ay xubno ka yihiin ama xiriir la leeyihiin kooxo ‘argagixiso’ ama hay’ado wada falal…

Golaha Guud ee QM diiday Go’aankii Trump ee Qudus

Share This Post

Wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa si buuxda uga soo horjeestay hanjabaada aan horay loo arag ee Maraykanka iyaga oo u codeeyay qaraar ka dhan ah go’aanka madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel . Qaraarka ayaa lagu ansixiyay Shirwaynaha Guud ee Golaha Khamiistii iyada oo ay…

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Walaac Ka Muujiyay Ammaanka Sii Xumaanaya Ee Dalkaasi

Share This Post

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in xukuumaddu ay samayn doonto wax kasta oo suurtagal ah si ay u xakamayso ammaanka sii xumaanaya ee dalka oo dhan. Desalegn oo la hadlay warbaahinta ayaa tacsi u direy qoysaska dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka nabadgelyo darrada Bayaankiisa ayuu sidoo kale ku xaqiijiyay…

Maxaa kasoo baxay Shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka?

Share This Post

Kulankii ururka Iskaashiga Islaamka ee maanta ka dhacay Istanbul kaas oo  in ka badan 50 dal oo dunida muslimka ah isugu yimaadeen, waxaa ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban 23 qodob, oo inta badan ka hadlaayey in aaney aqoonsaneen dalalkaasi go’aanka Trump ee Qudus, oo ay garab taagan yihiin reer…

Qasaaro Dhimasho oo ka Dhashay Qarax ka Dhacay Nigeria

Share This Post

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu diley dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xero loogu talagalay dadka barokacayaasha ee waqooyi-bari Nigeria. Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada xuduudka Pulka, ee Gwoza ee gobolka Borno. oo qiyaastii 110 kiiloomitir (70 mayl) koonfur bari ka xigta caasimadda gobolka Maiduguri. Dhakhaatiirta…

Lubnaan oo ku baaqday Cunaqabateyno ka dhan ah Maraykanka

Share This Post

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus. Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo…