Axmed Fiqi iyo Ubax Tahliil oo maanta Cadaado lagu doortay (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maanta ka dhacday magaalada Cadaado doorashada laba kursi beesha Sacad, waxaana mid ka mid ah ku loolamay laba gabdhood.

Kursiga 24-aad Beesha Sacad/Cabdalle waxaa ku guuleystay Axmed Macalin Fiqi Axmed oo helay 45 cod, halka Iimaan Jaamac Yuusuf 3 cod , hal codna waxaa helay Cabdisalaan Xaaji Axmed , ergada codeysay waa 49.

20161128_124634-1 20161128_124635

Kursiga 25-aad Beesha Sacad/Waqujire
Waxaa ku guuleysatay Ubax Tahliil Warsame oo heshay 32 cod, halka Meymuun Cali Nuur Geyfane ay heshay 18 cod, 1 cod waxaa heshay Zahra Daahir Diiriye. Tirada Ergada codeysay waa 51 ergay.

20161128_135327

Intaas kadib waxaa hoolka soo galay Ergada iyo Musharixiinta kursiga haweenka ku tartamayeen ee beesha Shiikhaal, waxaana dhacday in ergadii iyo musharixiintii oo fadhiya goobta doorashad, shaqaalihii doorashadana diyaariyeen sanduuqii codka ay gudiga doorashada ku dhawaaqeen in ergada kaararka laga qaado, beri subaxna la codeynayo, arintaas oo buuq badan dhalisay.

Halkaan ka eeg sawirada buuqa ergada beesha shiikhaal.

20161128_143725 20161128_143340 20161128_143723

Comments are closed.