Axmad madoobe oo talaabo aan nuuceda la aqoon ugu hanjabay dowlada dhexe

Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe. Ayaa maanta ka hadlay xarriga Wasiirkiisii Amniga C/rashiid Janan. Dib u doorashadiisa, Khilaafka dowladda kala dhexeeya iyo xayiraada la saaray diyaaradihii sida tooska u tagi jiray ama uga iman jiray magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe oo maanta jeediyay shir jaraa’id oo socday 28 daqiiqo. Kadib shirkii golaha Wasiirada ayuu si kulul u weeraray hanaanka ay dalka u maamulaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sababta kaliya ee dowladda u diidan tahay iney aqoonsato doorashadii 22-kii bishii hore ka dhacday Kismaayo. Ayuu ku sheegay iney tahay in dowladda ka weysay. Musharax sidey rabto uga sameyn kara Jubaland. Si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo dhamaadka sanadkii hore 2018.

Axmed Madoobe ayaa sheegay ineysan shaqsi ahaan wax saameyn ah ku yeelaneynin. Xanibaada dowladda ay saartay diyaaradaha sida tooska uga howlgali jiray deegaanada Jubaland. Balse waxa uu tilmaamay in xanibaada la saaray oo kaliya Shacabka.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Jubaland. Ayaa tilmaamay iney diyaarinayaan. Kiis ka dhan ah madaxda dowladda Soomaaliya. Sida uu sheegay ay gacanta ku heyso xeer ilaalinta maamulkiisa. Kaasoo ku xusan dad geeriyooday intii ay dhexda ku soo jireen wixii ka dambeeyay xanibaadii diyaaradaha.

Mar uu soo hadal qaaday xariga Wasiir Janan. Axmed Madoobe ayaa carabka ku dhuftay in Janan uu u xiran yahay diidmo uu kala horyimid. Madaxda dowladda inuu bur buriyo. Maamulkii Jubaland ee uu markiisii hore gacantiisa ku dhisay.  Isagoo iska diiday balanqaadyo dhowr ah oo ay u sameeyeen madaxda dalka.

Odayaal u tagay madaxweyne Farmaajo oo ka socday gobolka Gedo iyo kuwo ku heyb ah Wasiirka xiran ayuu shaaciyay in Af cad loogu sheegay. In Wasiirkooda la sii deynayo. Hadii ay ogolaadaan iney iska diidaan doorashadii Axmed Madoobe uu ku soo baxay. Mid cusubna ay ku diyaariyaan gobolka Gedo.

Waxa uu soo hadal qaaday eeda Amnesty International ee Wasiir Janan, isagoo Su’aal iska weydiiyay sababta hay’adaasi aysan uga hadal askartii dowladda ka leysay C/raxmaan C/Shakuur, dadkii Ciidanka dowladda ay ku laayeen Baydhabo sanadkii hore iyo Taliyihii holwgalkaasi wax ka waday ee loo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa ugu danbeyntii ku hanjabay inuu talaabo ka dhan ah dowladda qaadi doono, hadii madaxda dowladda aysan la iman Siyaasad ka duwan mida haatan lagu cuna qabateynayo maamulkiisa Jubaland.