Sawirro:- Madaxweynaha Eritrea Oo Soo Gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Eritrea ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgelaya madaxda dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Eritrea ayaa lagu wadaa in uu u gudbo Madaxtooyada dalka,halkaas oo uu kulan kula qaadanayo Madaxweynaha Soomaaliya. Maanta iyo Berri ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Eritrea uu joogo Muqdisho isaga oo kulamo la qaadnaya madaxda ugu sarreysa dalka.  

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo Oo Bogaadiyey Ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah. “Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise […]

Continue Reading

Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Ansixiyey Sharciga Naafada Qaranka

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Aqalka Sare ayaa ahaa ajandaha Aqrinta labaad ee hindise- Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada Haweenka iyo hormarinta xaquuqul insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyada oo fadhiga guud ee Aqalka sare ay xaadir […]

Continue Reading

Guddoomiye Mursal Oo Sheegay In Mooshinka Madaxweyne Farmaajo Ka Yaal Sharciga La Waafajin Doono

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa beeniyay in uu buray Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in uusan burin mooshinka,hadalkan ayaa liddi ku ah mid uu shalay soo saaray Xoghayaha Golaha shacabka C/Kariin Xaaji Buux.

Continue Reading

Al-shabaab Oo Askar Iyo Wax-garad Ku Toogtay Shabeellada Hoose

Al-shabaab ayaa degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose ku toogatay saddex qof oo lagu eedeeyay in ay yihiin Askar iyo Ergo ka qeybqaadatay xulista Baarlamaanka Soomaaliya. Dadkan ayaa kala ahaa Oday ka mid ahaa dadkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka ah sida ay sheegeen Al-shabaab. Labada qof ee kale ee la toogtay ayey […]

Continue Reading

Xildhibaanada Mooshinka ka Keenay Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aanka Xog-haye Buux

Xildhibaannada sheegay in ay gudibiyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen in go’aanka uu Buux ku sheegay in mooshinka buray ay been abuurtahay. Waxaa ay sheegeen in mooshinkaasi sharci yahay islamarkaana madaxweynaha laga doonayo in uu u hoggaansamo. Xildhibaanada ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Villa Hargeysa,waxa ay uga hadleen […]

Continue Reading

Xog-hayaha Golaha Shacabka Oo Sheegay In Uu Buray Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo Laga Keenay

Xoghayaha Golaha shacabka Soomaaliya C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa sheegay in mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya uu buray. Qoraal ka soo baxay Xoghayaha ayaa lagu sheegay in mooshinka ay gudbiyeen 92 Xildhibaan, afar iyo toban ka mid ah soo gudbiyeen in laga been abuurtay sidaas darteedna 78 Xildhibaan aysan gudbin karin mooshin ka dhan […]

Continue Reading

Maxkmadda Sare Ee Puntland Oo Maanta Dhageysaneysa Dacwadda U Dhaxeysa Madaxweyne Gaas Iyo Ku Xigeenkiisa Camey

Maxkamadda sare ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta dhegeysaneysa dacwad dhextaalla Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland. C/Xakiin Cumar Camey oo ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dacwaddan u gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland. Dacwadda ayaa la xiriirta Guddiga xallinta khilaafaadka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Gaas,waxaana Cameey uu sheegay in Guddigaas uu Gaas magacaabay […]

Continue Reading

Guddoomiye Mursal Oo Maanta War-baahinta Kula Hadlaya Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta isugu yeeray Warbaahinta ka howlgasha Muqdisho. Shirka jaraa’id ee uu Mursal ku dhawaaqay in uu qabanayo ayaa lagu wadaa in uu uga hadlo halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha,Wararka sheegaya in isaga xabsi Guri la geliyay iyo qodobo kale. Xildhibaano ka mid ah […]

Continue Reading

Guddoomiye Cawad:- Villa Hargeysa Xildhibaanadu Shir Kuma Qaban Karaan (Dhageyso)

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad  ayaa war ka soo saaray habka uu u shaqeynayo golaha shacabku inta lagu jiro kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee  ka dhashay kala diristii guddiga maaliyadda iyo habka loo maareynayo doorashada dowladgoboleedka KGS. Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in […]

Continue Reading