U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 30aad

Arimaha Bulshada SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Cutubka 24aad

Guriga Ree Jaamac Sandhool maba moodid gurigii maalin ka hor sidii in ay tacsiyi taallo u aamusnaa. Farxaddii iyo ranrayntii lagu yaqiinay baa soo laabatay. Markii ugu horaysay mudo dhowr bilood ah buu raadiye hees macaani ka daarantahay miis barandada yaalla ka dul balwanayaa.

Guurka Muno wuxuu ku xiranyahay Mukhtaar oo Xamar yimaada kaliya. Derisku waa la socdaan, oo arinta Muno oo waayahaan danbe madadaalo u ahayd bay wixii kusoo kordhaba dhagta u dhigayeen, xan dhagoodna isku gaarsiinayeen. Qaarkoodii diidanaa in riwaayaddu sahal kaga dhamaato, oo Mukhtaar sahal Muno ku helo baa Ree Xiirane doolaalo ugu soo sheegay soo biiritaanka Ree Guure Beyle.

Cabdi Xiirane markii ugu horaysay buu aqbalay in Muno wiilkiisa uusan guursan doonin. Dadkii warjeclida ugu soo sheegay buu isagoo canaananaya u sheegay in ay isku xishoodaan oo danahooda raacdaan.

Magaalada waxaad moodaa Yuusuf maahane in inta kale ay ogtahay in Muno nin Mukhtaar la yiraah oo cirka kasoo dhacay uu si fudud ku guursan doono. Malaha deriskaan afka dheer waxba kuma qaadateen in ay Yuusuf u sheegaane wuusan ku xaafad ahayn.


Bishii imtixaanka baa la guda galay. Yuusuf kabihii baa kaga dhamaaday siduu galab dhaaf tukaanka Barre ugu sii socday. Deyn badanna waa lagu yeeshay oo u badan lacagta uu basaskaan aanan dhamaadka lahayn uu ku raaco. Galab kasta markuu soo hafto buu dhaar ku maraa in uusan soo laaban doonin. Hadana galabta danbe buu is arkaa isagoo bas cariiri wayn, oo kirishbooy aanan warbadidiisa loo dulqaadan karin uu rararayo Xamar Jadiid usii saaran. “Bes, galabtaa iigu danbaysa” buu isku sasabaa markuu is arko isagoo naftiisa soo laalaabashadaan badan ku karhaya.

Galbahaan danbe wuu dareemayaa in Barre uusan sidii hore u furfurnayn, sheekadana uusan ula wad wadin. Wuxuu taas ku micneeyaa in saaxiibkiis uu isaga laftiisu imtixaanka la ildaranyhay. Barrase wuxuusan awoodin in uu saaxiibkiis la qoslo isagoo og in gabadhii uu jeclaa nin kale lagu nikaaxi rabo. Yuusuf markuu tukaankiisa albaabka kasoo galaba wuxuu xoogga saaraa in aqriska casharada kaliya lagu mashquul sanaado, isagoo iska dhigaya nin imtixaanka soo dhaw muhiimad weyn saaraya.

Galabta Yuusuf in uu Xamar Jadiid aado kuma talo galsanayn. Maadaama uu Bakaaraha maanta soo aaday buu Xamar Jadiid oonan ka fogayna bal cagta mari is yiri. Markaan Muno aragtideeda quus buu ka taaganyahay, Xamar Jadiidna waa karhay laakiin marmarsiyo uu ku yimaado ma waayo oo waa kanaa galabtaba socda.

Barre galabta markuu Yuusuf yimid buu inta Mako shaah ka dalbay banaanka laba kursi usoo dhigay. Maadaama ay galabta Qamiis tahay buu is leeyahay aqriska badan ka neefsada wax yar.

inteeysan Makko shaahii keenin, waa tanaa Muno oo iyadoon la filanayn socota. Arageeda markuu u jeeday buu Yuusuf kala badbatay, hadaladii qaarna kari waayay, qaarna iloobayba. Hadeer uun buu xaqiiqsaday in ku dhawaad ay laba bilood isha isi saarin. Gabadhii uu jeclaa, iyana jeclayd, xishoodka iyo yaxyaxuna dhexdooda ka dhamaaday maba ahan, oo sidii in ay maanta isugu horayso buu u xishoonayaa. Malaha dareen baa ku jira! Malaha duulal kalaa wax u sheega!

Sidii guurka Mukhtaar ay u ogolaatayba, waardiyihii waa laga daayay. Kaligeed bay labadaan beri meeshii ay doonto aadaysay, iskuulkeedana u dhiganaysay. Galabta waa malaynaysay in uu Yuusuf tukaanka imaan doono. Oo ku talo gal bay isugu soo aadisay.

Muno inta kursi soo qaadatay bay Yuusuf agtiisa soo dhigatay. Yuusuf dhiniciisa bay iyadoo kursigii ku fadhisa kusoo sigsigatay, oo Yuusuf ugu soo dhawaatay si aad ah, oo dadka jidka maraya, ay u maleynayeen in labadaan qofi ay is qabaan ama isla dhasheen.

Sidii in wax halaysan aysan jirin bay sheekooyin dhaadheer Yuusuf ku gurtay. Yuusuf madaxa ayuu luxaaa, oo hadba hadallo yaryar sida, “waan gartay” iyo “wallaahi dheh” buu yiraahdaa sida nin sheekadu ku socoto, laakiin haddii ay Muno oran lahayd wixii aan hadeer iri ku celi, wuu bariiqan lahaa. Aad wuxuu u rabi lahaa in ay arintii labadooda dhex tiilay ay ka hadasho, iyana sheekadaas waxaadba moodaa in ay iska ilaalinayso, oo hadba sheeko aanan labadooda qusayn, Yuusufna aad ula dheer bay daldalaysaa.

Waxa kaliya oo Yuusuf ku socda, waa gabadhaas ag fadhigeeda. Carafta kasoo baxaysa baa sarqaamisay. Markuu cabaar indhaheeda meesha cadna ay aadka u caddahay, meesha madawna qaxwiga ifaya ah uu eegayo bay kadiido qabataa damcaana in uu toos arinka uu tabanayo u weydiiyo, hadana wuu is celiyaa oo sheekadeeda aanan dhamaadka lahayn iska dhagaystaa.

Iyadoo seed siin la’, oo sheekada meel uu kasoo galo uu weysanyahay baa Maqribkii la adimay. “waan soo laabanayaa ee sheekada meesha noogu haay” buu inta yiri masaajidkii Barre u raacay.

Muno oo tukaanka sii iibinaysay inta isaga iyo Barre ay masaajid u dhaw Maqribka kusoo tukanayeen buu u soo galay isagoo neef tuuraya sidii ruux lasoo cayrsaday. Markii la salaamo nagsaday buu faraha iska soo bixiyay. Wuxuu is lahaa Muno cidlo ku hel, oo waxaad doontid intuusan Barre imaan sii weydii. “Aaway Barre?” buu weydiiyay.
“Soo masaajidka iskuma raacin?” bay iyana weydiisay. Isagoo is ceebsanaya, buu been sheegoo ku jawaabay, “waan tartameeynoo malaha anigaa kasoo hormaray, markaan arki waayay baan adiga ku su’aalay”.

Su’aalo aanan meesha ool, muhiimna ahayn buu weydiiyay kadibna cabaar indhaha ka mirig mirig siiyay. Malaha markaan Barre waa soo dhawyahay, welina Muno wax uu weydiiyay malahan. Arintaan aad bay ula weyntahay, mudadii ay kala maqnaayeenna wax dhacay war uma hayo. Wuxuu kaliya uu hubaa in aabaheed aad u xanaaqsanaa maalinkii isugu danbaysay ee uu Taleex kasoo qadan qadiyay. Wuxuu sameeyay ama ku heshiiyeen ma oga. Su’aalaha uu Muno u qabo weydiintooda wuu dhibsanayaa oo ma doonayo in uu inta ku deg dego uu niyad jab dhaqso la kulmo.


Barre markuu yimid bay inta istaagtay tiri “Yuu na keen, hooyo baan Shaaciye beegar uga soo gadayaaye.”

“Masha Allah, runta ii sheeg, hooyo ma adaa u gartay mise iyadaa kuu soo dirsatay?” buu su’aalay isagoo farxad kumeel gaari ihi ay gashay. Malaha wuxuu is leeyahay inta aad jidka sii socotaan wixii aad doontid weydii.

“Iyadaa iisoo dirsatay, laakiin laba gooraba, wallaahi, waan usoo gadi lahaa” bay isku difaacday. “Hayeh, na kaxee” buu Yuusuf yiri, laamigii jidka sodonka ahaana cagta saareen.

Beegarkii bey soo iibsheen oo tukaankii kusoo laabteen. Muno intaysan fariisan bay inta cabitaan furtay, oo galaas ku shubtay, Yuusuf soo ag fariisatay, beegarkiina cad u jartay.

Yuusuf oo fahmi weysan waxay samaynayso baa ku yiri “maxaa ku daaray? Maxaad hooyo uga halaysay cashadeedii?”

“Waan kula cayaarayay, hooyo waa casheeysay, labadeenna baan noo soo iibshay, ee hoo cadkaaga intuusan Barre kaa dafin”

Sariir jiimbaar ah oo tukaanka albaabkiisa iyo darbiga meel u dhaxaysa taala inta ku fariisteen bay beegarkii cunid ku bilaabeen. Yusuuf, dareenka gabadhaan uu u hayo dartiis wajigeeda toos uma eegi karo. Hoos ayuu wuxuu iska leeyahay “illaahay maku tusi karaa adoo Muno qaba, oo labadiinoo kaliya qol wada hurda!” Intuu isla hadlayay bay inta cabitaankii afka u saartay tiri “kabbo”, hal cantuugo markuu ku dhuftay, bay inta kasoo qaaday galaas kii tiri “aaway meeshii aad ka kabatay aan anna ka cabbee”? Oo inta galaaskii warwareejisay tiri “meeshaan baa u eg meeshii aad ka kabatay” oo iyana isla bartii ka cantuugtay. inta labada faruuryood isla dhacday bay tiri “Yuusufoow afkaagu macaanaa?”.

Sida ay wax u dhacayaan markaan wuu soo jecjeclaysanayaa. Waxaa u muuqda ififaalo ah in Muno ay usoo laabatay. Sidee kale ooy koobka meesha uu ka kabaday, uga kaban lahayd hadaysan weli jeclayn? Wuxuu bilaabay in uu iskiis u fur furmo oo farxadi soo gasho. Wajigiisii farxad buu la ifay. Farxaddu illeen dadka waa qurxisaa!

Mar uu daruurta sagaalaad dul saaranyahay, caawana is leeyahay gurigiinii baad ku laaban doontaa adigoo arini kuusoo hagaagtay, rabana in uu Malaysiya kala hadlo iyo aadideeda bay hal saalto oo weyn oo Yuusuf madaxiisii 18 jirka ahaa kala qarxin tagay kusii deysay.

“Yuusufow ma ogtahay in aan wiil axdi wada dhigannay?” bay Yuusuf oonan filanayn, kaftanna u haysta, wax uu isagu markaas hadaaq u arkay ku weydiisay. “Wuxuu jiraa Dubaay,” bey sii raacisay. “oo heshiis baa inaga dhexeeya”. Yuusuf oo sidii dawaco shanqar maqashay dhagaha taagmeen baa yiri “oo maxaad ku heshiiseen?” “GUUR baan ku heshiinay” bay ku jawaabtay iyadoo afka la kuusaysa ereyga ‘guur’, si korana u leh sidii in ay Xaseey oo tukaanka wax yar ka hor soo galay maqashiinayso.

Yuusuf dhulkii baa la wareegay.

Afkeeda kalmadda ‘guur’ markuu kasii dhacayay wixii ka danbeeyay wax miir ah muusan hayn. Dhugtii baa ka tagtay. Wixii hadal ay daldalaysay oo dhanna wa agmareen. Wuxuu is weydiinayaa, sidii ay waxaan ku dhaceen!

Yuusuf hadalba waa kasoo bixi waayay, wuxuu sheego ma garanayo. Wax uu xishood, dareen jacayl oo adag, doqonimo, ama intaas oo dhan oo la isku daray uu u maleeyay baa hareeyay. Muno, oo iska dhigaysa in ay ka walwalsan tahay Yuusuf baa tiri, “maxaa ku daaray aboowe? Xusuus aad gashaye,” oo iyadoo xifaalaynaysa tiri “ma gabar aad jeceshahaa soo xasuusatay?”

Yuusuf markaan dareenkii hayay wareer buu isku badalay. Wuxuu is weydiinayaa “qoftu soo Muno ma ahan? Qoftu sowtii jacalku idinka dhaxeeyay oo dhowrka bilood Boondheere iyo Taleex aad ku dhuumaalaysanayseen ma ahan?” Wuxuu la yaabanyahay is dabaalinteeda iyo sida ay u jilayso sidii in ay tahay qof ay isku cusub yihiin. Markaan wuxuu ku shakisanyahay in Muno aabeheed uu u sheegay in ay niyadeeda ka saarto jacaylka ay sheegayso, iyana ay Yuusuf isku dayayso in ay moogaysiiso wixii dhex maray. Markaan hadduu jacaylkoodii wax ka weydiin lahaa malaha “waxaas maa run u mooday, waan iska cayaarayee?” bayba isaga su’aali lahayd!

Yaab iyo amakaag baa ilaahay Yuusuf u keenay. Mar taariikhdii koobnayd oo isaga iyo Muno soo dhex martay buu jiritaankeedii iyo dhicitaankeedii shaki galiyaa, oo waxa dhan riyo buu ku shakiyaa in ay ahayd. Mar wuxuuba ku shakiyaa in wuxu mala awaal ahaayeen, oo uu isagu uun run u qaatay. Malaha daalkii, dhafarkii iyo imtixaan diyaariskii baa sii daciifinayee, xaalad wuxuu galay caafimaadkiisa maskaxeed uu qalqal ku jiro.

Markaan oo kale waa la hubaa haddii qofi u sheego in uu waalanyahay, in uu aamini lahaa.

Xilli uu soo tagay iyo si uu kusoo tagay ma kala yaqaane baskii ugu danbeeyay buu gurigoodii ku tagay.

Gacantuu seyrinayaa, oo isla hadlayaa kaligii, sidii hooyo cunuga kaliya ay dhashay laga soo garaacay, oo xanaaqsan.

Kaba saandal ah, oo dhamaad ah, uu iska soo badalayna bac buu ku walfinayaa. Allow uusan dadka indhaha kaga tuurin! Dhowr qofood oo “Yuusuf caawa halkee saacaan ka timid?” su’aashay, dheg jalaq uma siin.

Wax walba uu arko macna uma sameynayaan. Kaftanka dhalinyarada iyo qosolka jidadka xaafadda ka baxaya macna daro iyo war jecli buu u arkaa.

Dadka markii ay xaalad adagi lasoo gudboonaato noloshooda dhan inta dhabta ah baa soo harta, kaftanka iyo cayaarta dhamina waa suulaan.

Gurigoodii buu soo galay oo sheeko, qosol iyo sawaxan la bulxamaya. Sidii lagu yiqiinay, dadka sheekeysanaya, ee walaal, waalid, qaraabo iyo deris isugu jira inta ku leexday, salaan, kaftan iyo dacaayad, sidii caadada u ahayd, lama galine, siduu u sii socday qolkiisii buu galay, sariirtiisii buu isagoon dharkii iska badalin isku dul tuuray oo markiiba gam’ay.

Kumase sii raagine walwal buu indhaha isugu geeyn waayay. Inta ka toosay buu hadana walaalkiisa yarkaa Hanad oo sariirtiisa hurda baalka ka galay. Naxariis buu biday wax aan saas u sii weyneyna wuu ku qaboobay kumase filnaanin. Inta kasii cararuu hooyadii macaan oo hurdeysa qolkeeda aaday. Inta nalkii u damiyay, raadiye Sanyo labo sameecadle ah, oo ay BBC-du inta kabaxday wali iska sii balwaya isna damiyay, baalka hooyadii ka galay.

Hooyo Sahro iyadu meesha idaacaddu uga baxdo hurdada waa gashaa. Si fiican ayuu ugu nastay, ku qaboobay kuna gam’ay. intii uu hurdayay oo dhanse wuxuu ku qarwayay wixii xalay dhacay. Muno afkeedii ayaa u sawiran. Wali wuxuu xasuustaa sidii ay afka u kuusaysay oo ay u lahayd “GUUR”, hadba haf ayuu soo yiraahdaa naxdin.


Maalintii Jimacaha ahayd sidii bukaan socod buu liicayaa, oo hadba is ciil kaambinayaa. Wuxuu ka caraysan yahay sida ay Muno u lug gooysay, oo waqtigiisa uga lumisay, waliba iyadoo lagu jiro xilli imtixaanaadkii u danbeeyay ee sannadku soo dhawyihiin. “Allow aanan jaamacadda la ii ogolaaday, inta dhibco yar keeno aanan la ii diidin” buu ku ducaysaa isagoon iska war qabin, oo hadba markuu ku baraarugo isagoo iskiis iska ducaysanaya, buu inta calool xumaado, oohin bamaa yiraahdaa.

Salaaddii khudbada kadib siduu hadba gidaar u fadhiisanayay si uu oohintiisa reerka uga qariyo buu markii danbe goor galab gaaba isagoo sidii wax sarqaansan saanta dhulka la gafaya gurigoodii isaga laabtay.

Adeer Cali oo jardiin guriga ku dhex yaalla qar kaga fadhiya baa u jeeday, oo dareemay in wax qaldanyihiin. Yuusuf oo inta qolkiisii galay, markiiba sariirtiisii isku tuuray buu ka daba galay.

“Adeer, Yuusuf maxaa halaysan?” buu hadal ku fur furtay.
“Waxba adeer” buu Yuusuf ku jawaabay. Yuusuf adeerkiis Cali aad buu u garanayaa, oo waa isla soo koreen. Wuu is moogaysiinayaa maahane wuu ogyahay in uusan adeerkiis jawaabtaas kaga qancayn. Adeer Cali isagoon hadlayn buu Yuusuf eegayaa sidii in uu leeyahay “iga daa cayaartee soo daa waxa jira”. Yuusuf markuu cabaar is dhakiyay buu markii danbe adeerkiis sheekada oo dhaga dhan u wada sheegay.

Adeer Cali markiiba wuxuu shaqo ka dhigtay siduu Yuusuf ku hilmaansiin lahaa culayska haysta. Wuxuu rabaa in isagoo mashaqaysan uusan imtixaanka galin.

In Yuusuf uu suugaanta Soomaalida, gaar ahaan heesaha aad u jecelyahay buu Adeer Cali ogyahay. Markiiba inta rikoor qolka hooyo yaalay soo qaaday buu cajal ku jiray daaray.

Codkii Cabdullaahi Sulfa baa qolkii is qabsaday:-

“Jacayl waa dhibaatoo
Waa sida dhimbil daba
Ku dhagaaya farahoo

Hawlahaan ku dhaawacay
Hawlahaan ku dhaga tiray
Hawlahaan dib kuu dhigay

Ha dhibine naftaada dhaqaalee
Ha dhawaysan caashaqa”

Yuusuf oo heestaan ereyadeeda dusha ka haayay baa markii ay cabaar socotay u qaatay in ay isaga kuba socoto. Eray kasta oo fanaanka afkiisa kasoo baxa wuu damqinayaa oo welwelkii hayay uga sii darayaa.

Adeer Cali wuu dareemay in heestu ay dookh qaldan tahay. Cajalkii buu inta oo saaray oo gadiyay hadana daaray. Cabdulqaadir Kaskeey baa cod kii Maxamed Saleebaan Tubeec, siduu Yuusuf is leeyahay, wax u eg ku qaadaya:-

“Magacaaga inan kale
Markii loogu yeereen
Maqlaan soo hinqanayaa”

Markii ay heestii intaas marayso buu inta kacay rikoorkii damiyay oo damcay in uu qolka ka baxo. Adeer Cali baa markiiba inta booday albaabka u istaagay oo ka dhaadhiciyay in uusan bixin oo wax yar uu isku dayo in uu seexdo, una sheegay in uu usoo laaban doono wax yar ka dib.


Sadex iyo labaatankii beri ee imtixaanaadkii ka dhinnaa Yuusuf iyo Adeer Cali waa isku qornaayeen. Waqtigoodu wuxuu u dhaxeeyay mar ay wax aqrinayaan iyo mar ay is tijaabinayaan. Adeer Cali wuxuu ku dadaalay kuna guulaystay in uu Yuusuf wax aqris ku mashquuliyo madaxiisana kasii jeediyo Muno iyo arinteeda.

Imtixaankii markii laga baxay si labadooduba ay ku qanacsanyihiinna uu ku dhamaaday bay fiisadii ay Malaysiya ku aadi lahaayeen u timid, Qaraabo salaan iyo macsalaamayn dheer kadib labadoodii jaamacaddii deeqda waxbarasho siisay bay iska diiwaangaliyeen oo waxbarashadoodii magaalada Kuwala Lambuur ka bilaabeen.

Wadanka cusub, luuqadaha cusub, casharada cusub, iyo asxaabta cusub baa Yuusuf madadaalo u noqotay. Sidii lagu yaqiinay buu dantiisa iyo mustaqbalkiisa ugu soo jeestay.


LA SOCO QEYBTA 31AAD