Wasiir Sabriye oo gaaray Magaalada Cabudwaaq (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uuna hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamuud Sabriye  ayaa maanta gaaray magaalada Cabudwaaq waqooyiga gobolka Galgaduud.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa safarkooda ku wehlinaya wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qoorqoor, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdikariin Khaliif, Taliyihii hore xoogga dalka Gen. Gorod Iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Odayaasha Galinsoor iyo Cadaado, Waxagaradka iyo xildhibaano federaalka ah ayaa ku soo dhaweeyey Cabudwaaq, waxaana wafdigaan halkaas u tageen dhameynta colaaddii kaxandhaale iyo Dacdheer.

Wafdiga Dowladda ayaa muddo Todobaad ah ku sugnaa Cadaado, iyagoo ku hungoobay in ay wareejiyaan 2 Askari oo itoobiyaan ah kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale.

Aragtidaada ka dhiibo