Xildhibaan Odawaa oo lagu soo dhaweeyey Gaalkacyo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa lagu soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayey wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Wafdigan ayaa saaka kasoo kicitimay magaalada Cadaado xarunta Baarlamaanka Galmudug, Masuuliyiinta iyo qeybaha Bulshada ayaa xildhibaanka kusoo dhaweeyey duleedka Gaalkacyo.

Xildhibaan oo la hadlay bulshadii soo dhaweysay ayaa sheegay in uu yimid inuu dhageyso reer Gaalkacyo, sidoo kale wuxuu intaa ku daray inuu dadaal ugu jiro sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa inta uu joogo Gaalkacyo kulamo la qaadanaya, maamulka, Odayaasha, dhalinyarada, iyo haweenka Magaalada Galkacyo.

Aragtidaada ka dhiibo