Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun… W/Q: Yahye Amir

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun.

Dagaaladii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Hawiyaha dhax maray. Cumar Samatar ma waxa uu ahaa Gumeysi la dirir mise Gumeysi kalkaal?

Cumar Samatar Rooble waxa uu ku dhashay magaaladda Caluula,waxaa uu ahaa taliyaha ciidankii Ali Yusuf.

Boqorkii Majeerteen ee ka talinayay deegaanka Hobyo ayaa kula heshiiyay Talyaaniga in uu dagaal la’aan ku soo fido Dhulka Majeerteenka,ayaa wakiilkii Talyaanigu “Mr Trivulzio” waxa uu ka shakiyay dhaqdhaqaaq ciidan oo ku soo jeeda koofurta iyo Ciidamadii Talyaaniga ee “the Corpo Zaptie”.

Dhaqdhaqaaqaa oo Xabashidu gadaal ka riixeeysay uuna hor socdo Taliyihii ciidanka Boqor Cali yusuf oo ahaa: Cumar Samatar, oo ka soo horjeestay heshiiskii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Talyaaniga, waxa uuna gacan ka helay dadkii Hawiyaha ee diidanaa Boqortooyasa Majeerteenka, waxa uuna weeraray Magaalada Ceelbuur 9 November 1925.

Dagaal jid gal ahaa ayaa lagu dilay Taliyihii howlgalka Talyaaniga Gaashaanle dhexe : Splendorelli, asaga oo ka soo dhaqaaqay Buula burte kuna dhawaa Budbud , waxaa lagu galay deegaanka Bood.Talyaaniga waxaa shaki sii galiyay Goobta lagu dilay sarkaalka maba eyna joogin ciidamadii Cumar Samatar, waxa halkaa joogay ciidamo deegaan oo aan la jirin labada dhinac ee colaadu ka dhexeysay. kadibna Kaligii taliyihii Talyaaniga xakumayay “Musliini” ayaa amray in Hobyo iyo dhulka majeerteenka oo dhan la qabto awood kastana loo isticmaalo.

Dagaalada Cumar iyo Talyaanigu muddo dheer maba socon , muddo bil ka yar December 26, 1925, ayuu Talyaanigu horay u sii socday Cumar Samatarna wuxuu u baxsady dhinaca xukunka Ethiopia. Boqor xeyle salaase ayaa u magacaaabay 1947 la taliyihiisa arrimaha Somalia, iyo gacantiisa midig, wixii ka dambeeyayna waxaa loo aqoonsaday nin muwaadin ah oo daacad u ah itobiya illaa uu itobiya ku geeriyooday 1961, waxa uuna aad uga soo hor jeeday fikirka somaliweyn iyo Dhaqdhaqaayada gobanimo doonka ahaa ee Somali galbeed.

Cumar samatar waxaa loogu magacdaray dugsiga sare ee magaalada Gaalkacyo, waxaa kale oo loogu magacdaray dugsiyo ku yaala dalkaasi Itobiya , waxaa kale oo loogu magacdaray Jaamacad ku taalaa magaalada Adis ababa. waxaa kale oo Cumar Samatar loogu magacdaray waddada wayn ee isku xirta magaalooyinka Hawaash iyo Adis ababa .waxaa kale oo jirta maalin taariikhi ka ah dalka ethopia oo loo yaqaan (three festival freedom)oo lagu xuso Cumar Samatar iyo boqor Xeyla Salaase. Waxa uu noqday taliye ciidamo gaar ah oo la dagaalama Somalida gobanimo doonka aheyd, waxaana loo magacaabay maamule deegaanadda Somali Galbeed.

Talyaaniga waxaa fursad u noqday, Qabiiladii Hawiyaha oo is bar bar dhigay Itobiya iyo Talyaaniga door bidayna talyaaniga, waxaa arrintaa Qabiilada Hawiyaha ku khasbay markii la arkay sida Boqortooyada Majeerteenku ula dhaqantay dhulkii Hawiyaha oo ey qabsatay, ee Bariga deegaanka Habar gidir iyo Murudaha. Kadibna waxaa Cumar Samatar dagaal kala horyimid Qabiilada Abgaal, xawaadle iyo baadi cade saddaxdaan Qabiil deegaankooda marna ma Qabsan Boqortooyadii Majeerteenku.

Markii uu Cumar Samatar uu isku dayay in uu soo weeraro “Bud bud” oo ah cirifka deegaanka Weceyslaha, Si looga difaaco Boqortooyadii Majeerteenka ee soo fideeysay iyo Ciidamada Cumar Samatar ee Amxaaradu howl galineysay , ayaa dhulka Weceyslaha waxaa laga diyaariyay 4 xerro, oo Ciidamo Deegaan lagu tababaro, waxaana xeryahaa Maddax ka ahaa: Mohamed Afrax Garuun, waxaana Taliye ka ahaa: Fiidoow Qoorey. Xerada ugu weyn waxa ey aheyd “ Siibadii Ceel Cowl” oo hore u ahaan jirtay xarun ciidamadii Ujuuraanka, xeradaa oo markii dambe loo soo raray magaalada Bud bud, ciidamadaa oo ka koobnaa qabiilada Weceysle, Daauuud iyo Ciise Harti, ayaa jabiyay duulaankii Cumar Samatar.

Jabkii Boqortooyadii Majeerteenka, Hogaamiye Kooxeedyo iyo rag kale oo deegaanada Gacan adag ku maamuli jiray , markii laga guuleysatay ee colaadii dhamaatay, ayaa Dadkii isku soo baxeen, waxaana soo baxday Suugaantii ciyaaraha ku caanka noqotay ee ( Goda Gode Godoow galay, Caalin Madax Colaa dilay, Fara cade Finaa dilay, Cumar Samatar waa Go’ay, Cawada Daahiro la soo sheeg oo Dad nin waliba soo qooq).

Hala yaabin in aan isticmaalay magacyada qabiilada, somalidu berriga Qabiilo ayey aheyd, qoraalada Taariikhduna sidaa ayey ugu qoran yihiin. Waan hubaa in qormadaan ey dood badani ka dhalan doonto, Sababta oo ah Taariikhda oo markii hore si khalad ah loo qoray iyo Dadka badankiisa oo aanan Akhrin Taariikhda.

+++++++++++++++++++++++++++

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

FG: Nasiib daro Ragga kale sawiradooda ma helin.

FG: tixraacyada Qaar.

+ Mideast & Africa 1700-1950. by Sanderson Beck.

+ Buuga uu Qoray Marcus, 1934.

+ Regional Dynamics of Inter-ethnic Conflicts in the Horn of Africa.

+Apolitical chronology of Africa by: Lea, David.

+Horn African Journal 1997. P.130.

+ Sub sahara African report 1986 ,p.34.

+ Somalia : a country study ,by: Helen Chapin,p.10.

+ lee cassaneli ,book the shapping of Somali society ,p.75.

Qore: Yahya Amir

1 thought on “Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun… W/Q: Yahye Amir

Aragtidaada ka dhiibo