Madaxweynihii hore Maraykanka George HW Bush oo geeriyooday

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George HW Bush ayaa xalay ku geeriyooday da’da 94 jir, sidaas waxaa shaaciyey wiilkiis¬† George W Bush.

George Bush ayaa soo noqday Madaxweynaha 1989 ilaa 1993, wuxuu ahaa askari kasoo qeybgalay dagaalkii 2aad Adduunka, wuxuuna siyaasadda ku soo biiray 1964, wuxuuna ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka.

George Bush ayaa lagu xasuustaa ciidamadii uu usoo diray Soomaaliya, waxaana sidoo kale 1993 booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.