Aqalka Wakiilada Maraykanka oo isku raacay xil ka xayuubinta Madaxweyne Trump

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka soo mara ee Aqalka Wakiilada isku raacaan in xilka laga xayuubiyo.

Trump ayaa sugaya in bisha Janaayo ay Aqalka Senatka ay u fariistaan xilka xayuubinta la gudbiyay inuu sax yahay iyo inkale,waxaana la filayaa in Aqalka Senatka uu diido  xilka xayuubinta maadaama ay ku badan yihiin xisbiga jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

Aqalka Kongresska oo fadhiyay muddo lix saacadood ah ayaa dhammaan xubnaha Dimuqraadiga ay oggolaadeen xil ka xayuubinta halka dhammaan Jamhuuriyiintana ay diideen.