Site icon Ceelhuur Online

Aqalka Sare oo Markii u horaysay Wasiir u yeeray

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u yeeray wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku saabsan xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle, waxaana maanta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka tegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan, iyadoo warbixin ka bixinaya socdaalkoodii magaalada Jowhar.

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare oo uu wehliyo Guddoomiyaha Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa wasiirada tegay magaalada Jowhar ka dhageystay warbxiintooda ku saabsan xaaladda maamulka Hirshabeelle.

Kulanka oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolaan ayaa goor dhow soo dhammaaday, waxaana la filayaa in Dowladda Soomaaliya ay war kasoo saarto xaaladda ka taagan Hirshabeelle.

 

Exit mobile version