Alshabaab iyo dadka deeganka oo ku dagaalamay deegaanka Dumaaye oo ka tirsan Degmada Xarardheere

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Alshabaab iyo dadka deegaanka ayaa ku dagaalamay deegaanka Dumaaye oo 50 km waqooyi galbeed uga beegan degmada Xarardheere gobolka Mudug.

Dagaalka oo ka dhacay dhulka duurka ah, waxaana shabaabku weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah, oo kasoo horjeeday xoolo ay Alshabaab ka doonayeen, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare nafeed.

Inta la xaqiijiyey alshabaab ayaa goobta looga dilay ilaa 5 askari, iyagoo kaga cararay goobta qoryo gacmeedyo, dadka deegaanka ayaa waxaa ka dhintay hal ruux iyo dhaawaca mid kale.

Alshabaab ayaa dhaawaca iyo dhimashada ciidamadooda u qaaday dhanka degmada Xarardheere, waxa ay gubeen xaafado kamid magaalada Dumaaye, iyagoo kaxeystay xoolo farabadan.

Ma jirto cid ka tirsan maamulka Galmudug oo arintaan ka hadashay ama gurmad u fidisay dadka deegaanka ee la dagaalmaya Alshabaab.

Dhanka kale Alshabaab ayaa hawada ka saaray isgaarsiinta degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoosyimaada.

 

Comments are closed.