Al-shabaab oo 9 ruux ku dilay gudaha Kenya

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen guaha dalka Kenya sagaal ruux oo aan ahayn ciidamo balse u shaqeynayay dowlada Kenya.

Dilkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Harbuul ayaa lagu diley sagaal ruux oo haysta diinta Masiixiga.

“9 qof saliibiyiin Kenyaan ah kana mid ahaa shaqaalaha dowladda Kenya ayaa ku dhitay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujirta magaalada Gaarisa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Lixdii bishan ayaa sidoo kale weerar ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya ururka Al-Shabaab waxa ay ku dileen 11 ruux kuwaasoo ay kala degeen bas.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay dowlada Kenya ee la xiriira sheegashadan u dambeysay.