Akhriso:Sharciga doorashooyinka oo lagu kordhiyay qodob kala dhantaalaya awooda madaxwaynaha ee hada

Wararka Maanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga doorashooyinka qaranka ee heer Federaal, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay dood kulul ka lahaayeen Xildhibaanada.

Sharcigan loo qeybiyay Xildhibaanada ayaa wax ka bedel badan lagu soo sameeyay, iyadoo intii doodda socotay lagu daray aragtiyo iyo fikrado ay ka dhiibteen sharciga Xildhibaanada, waxaana lagu wadaa in kama dambeys Xildhibaanada ay cod u qaadaan maalmaha soo socda.

Qodobka 11aad ee Sharciga Doorashooyinka ayaa dhigaya in Madaxweynaha ay wadajir u dooranayaan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo loo raacayo qodobka 89aad ee dastuurka, iyadoo nidaamka xukunka dowladda uu yahay mid Baarlamaani ah.

Arrinta ku cusub sharcigan ayaa ah in Madaxweynaha uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka soo magacaabayo Xisbiga ama Isbaheysiga doorashada ku guuleysta kuraasta ugu badan Aqlabiyadda Baarlamaanka ( 50%+1), taasoo macnaheedu tahay in Madaxweynaha aanu laheyn doorasho uu iskiis ku soo xusho Ra’iisul Wasaare.

Qodobkan ayaa kala dhantaalaya Awoodda Madaxweynaha ee ku aadan xulashadiisa qofka uu u magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha, taasoo ka dhigan in Xisbigii hela kuraasta ugu badan ee Aqlabiyadda Baarlamaanka inuu ka imaanayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Halkan hoose ka akhriso Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal oo dhameystiran:-

Sharciga-Doorashooyinka-Qaranka-ee-Heer-Federaal-Final-Format-Last-Update-1 (1)