Akhriso:Liiska Golaha Wasiirada Hirshabelle oo lagu dhawaaqay

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow ku dhawaaqay gole wasiir oo ka kooban 57 xubnood. Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxa ay ka kooban yhiin 20 wasiir 20 wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru dowle.

Golaha Wasiirada Hirshabelle ee lagu dhawaaqay ayaa isugu jira xubno horay uga mid ahaa Dowladii Cali Cabdulaahi Cosoble iyo xubno cusub oo ka mid noqday Golaha Wasiirada cusuba ee Hirshabelle.

Madaxtooyadda Hirshabelle, ayaa maanta waxaa laga dareemayaa mashquul fara badan oo ku aadan Wasiirada lagu dhawaaqay.

Ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Hirshabelle, waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo maalin kaliya ay ka harsaneyd waqtigii lagu balamay in Madaxweynaha Hirshabelle uu soo dhiso xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Hoos ka Akhriso Liiska oo Dhamaystiran