Akhriso:Go’aano kasoo baxay Golaha Amniga Gobolka Banaadir

Wararka Maanta

Kulan howleedka Golaha Amniga Gobolka Banaadir oo uu shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha la xiriira amniga Gobolka, dhulalka iyo Go’aammada Maxkamaddaha.

Golaha Aminga G/Benaadir wuxuu walaac ka muujiyay sida sharciga fulintiisa ay mar walba u hirgalin oo loo hareer maro, waxaa kale oo uu Goluhu isku raacay in talaabo laga qaado gawaarida sida qaldan u adeegsada wadooyinka iyo baraha ciidammada qaar oo la sheegay in lacago shacabka looga qaado.Kulan uu yeesho Golahu isbuucii hal mar, waxay Golahu go’aamiyeen qoddobada soo socda:

  1. Goluhu wuxuu farayaa in la ilaaliyo sharciga wadooyinka cidii jabisaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

  2. Waxaa sidoo kale ciidamada la farayaa ciddii lagu arko iyadoo lacago laaluush ah ka qaadaneysa shacabka iyo ganacsatada baraha ciidanka, in isla meesha talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

  3. Waxaa dhammaan madani iyo ciidanba la farayaa in loo wajaho sida ay tahay go’aamadda sharciga waafaqsan.

  4. Golaha wuxuu isku raacay in si wadajir ah loo la xisaabtamo ciddii ka hortimaado go’aammada sharciga waafaqsan ee ku aaddan dhulalka iyo guryaha la isku heysto.

  5. Waxaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo ciidammada amniga lagu wargalinayaa in arrimaha dhulalka iyo guryaha la isku heysto in ay lasoo xiriiraan Maamulka Gobolka Benaadir iyo D/hoose ee Muqdisho.

  6. Go’aammada hay’adaha Amniga Gobolka waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Gobolka Benaadir, haddii ay jirto xaalad deg-deg ah, waxaa la isugu yeerayaa Golaha waqti kasta si loo wajaho xaaladda amni ee jirta.

DHAMAAD