Akhriso: Sir badan oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato inqilaabkii Turkiga

Wararka Dibadda Wararka Maanta

13938622_1040819449306058_5319169574504790005_n

Sir badan oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato inqilaabkii Turkiga,: Ruushka vs Marerykanka iyo cidda dhabta ah ee bad-baadisay Erdogan!!!

Af-gambigii fashilmay ee Turkiga ayaa qorsheysnaa bishan August,mana jirin haba yaraatee wax uu arintan ka ogaa maamulka madaxweyne Erdugan.

Hase ahaate, 2 maalin ka hor xilligii la fullin lahaa inqilaabka milateri ayaa waxaa dalka Turkiga gaartay Christiana Amanpour, oo ah saxfiyad asal ahaan Iraaniyad ah balse heysata dhalashada Ingiriiska, sidookalena ah madaxa wariyaasha dibadda ee TV-ga CNN oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Haweeneydan 58 jirka ah ayaa qalab warbaahineed oo casri ah geysatay Turkiga, waxayna 2 xarun oo aad u qalabeysan ka sameysatay caasimadda Ankara iyo magaalada Istanbul, walow markii horreba uu TV-ga saldhigyo ku lahaa halkaas.

Waaxda difaaca Mareykanka ee “Pentagon”-ka ayaa xiriir aad u wanaagsan la leh Telefishinka CNN, waxayna xaruntan warbaahineed awood u leedahay inay ogaato sirta hoose ee dowladda, gaar ahaan abaabulka Af-gambiyada dibadda.

Sida la sheegay, booqashada Christiana Amanpour ayaa looga dan lahaa in ay si TOOS ah u soo tebiso wararka la xiriira inqilaabka, iyadoo waliba dayaacado soo jiidasho leh loo sameynayo kooxada Milateriga.

Ogow, gabdhan ayaa laga mamnuucay inay tegto waddamo dhowr ah, dalkii ay safar ku tegtana badanaa waxaa la aaminsan yahay inuu inqilaab ka dhaco,laakiin Turkiga ayay arintan ka hoos baxday.

Dalalka Russia, Iran, Syria….waxaa sida la fahamsan yahay ay ogaayeen abaabulka inqilaabka, oo la leeyahay waxaa hogaaminayay “Mareykanka”.iyadoo laga duulayo arrintan ayuu madaxweyne Vladimir Vladimirovich Putin waxaa uu la-teliye sare oo dhanka ammaanka ah si qarsoodi ah ugu soo diray Turkiga.

Ninkan uu soo diray hogaamiye Putin waxaa lagu magacaabaa Aleksandar Dugin, waxuuna u soo dhiibay qoraal looga digayay Erdugan in maalmo gudahood xoog loo gala wareeggi doono tallada dalka. Sidookale waxaa dowladda Turkiga loo dhiibay liis dheer oo ay ku qoranayeen magacyada dadka abaabulaya inqilaabka.

Bil kadib markii uu Ruuska dhambaalkiisa soo gaarsiiyay Ankara, waxaa billowday Af-gambiga oo markii hore qorsheysnaa in la fuliyo August, laakiin waa la soo hormiyay oo waxaa laga dhiggay July,kadib markii ay Milaterigu ka baqeen in la fahmo sirtooda oo qeyb ahaanba fakatay.

Dowladda Turkiga oo daba socota mukhaabaraadkii ay ka heshay Ruushka oo ay ku dhowaad sanad cadow ahaayeen ayaa billowday inay maxkamadda sare weydiisato dalabyo lagu soo xerayo qiyaastii 2 kun oo ka tirsan ciidamada cirka, badda iyo xaakinno lagu tuhmayay inay hoggaaminayeen isku-dayga AF-GAMBI.

Iyadoo dowladda Turkigu ay tuhun qabtay haddana aad uma rumeysanin SIRTII ay ka heshay Ruuska, waayo aad uguma kalsooneyn maadama uu xiriir xun kala dhaxeeyay.

Xasuuso, bilo kahor, duuliye Turki ah ayaa diyaarad dagaal oo uu leeyahay Ruushka ku soo riday xadka uu dalkaas la wadaago Siiriya,markaas oo duuliyaasi uu ka andacooday in diyaariddan ay ku soo xad-gudubtay soohdintiisa,sidaasna uu dhulka soo dhiggay.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa dhacdadaasi kadib xumaaday, warar kul-kulul ayayna labada madaxweyne hawada issu-mariyeen iyadoo waliba la’issu hanjbay.

Ruushka oo SIRDOON ahaan aad u horumarsan ayaa durba sawirtay in fikirka looga soo riday diyaaradda dagaal uu soo abaabulay Mareykanka balse uusan waxba ka ogeyn madaxweyne Erdugan,sida uu gadaalba ka ogaaday madaxweynaha Turkiga laftiisa.

Sida la sheegay, duuliyihii soo riday diyaaradda Ruushka ma aheyn mid ka damqanayay dalkiisa balse waxaa uu ahaa mid ku shaqeynayay fikrado dibadda ah oo lagu doonayay in Mushkillado loogu furo Erdogan kadibna xilka looga qaado awood milateri oo aan naxariis laheyn.

Ruushka ayaa kadib bur-burkii diyaaraddiisa bilaabay inuu u ruuriyo CODADKA ay is-dhaafasadaan ciidamada cirka ee Turkiga iyo dalalka xullafada la ah.

Sida uu ogaaday Ruushka, duuliyaashii soo riday diyaaraddiisa waxay ku shaqeynayeen AMAR ay ka heleen Mareykanka, waxuuna hadafku ahaa in la xumeeyo xiriirka sii hormarayay ee ka dhaxeeyay Ankara iyo Moscow.

Warbixintan waxay leedahay, Mareykanku waxaa uu isticmaalayay farsamo uu ka dhaxlay British-ha oo ah ” KALA QEYBI KADIBNA KA GUULLEYSO”

Tobannaan saraakiil sare ah oo ka howl-galayay saldhigga cirka ee Incirlik oo ay aad u isticmaalaan ciidammada Mareykanka ee la dagaallama DAACISH ayaa xabsiga loo taxaabay,taasoo loo micneeyay in dowladda Turkigu ay abaabulka inqilaabka ku tuhuntay maamulka Washington,walow madaxweyne Obama uu beeniyay wararkaas.

Si aan loo fahmin Wakiilkii ka socday madaxweyne Putin ee Erdogan u waday SIRTA Af-gambiga ayaa waxaa uu soo maray magaalooyin badan sida, Astana, kadib Tehran, Damascus, Nicosia isagoo ugu dambeyntii sidaas ku yimid Ankara,halkaas oo uu kula kulmay Barasaabka caasimadda Melih Gokcek oo ah NIN uu kalsooni xad-dhaaf ah ku qabno Erdogan.

Weji ka Weji ayaa loo wada-hadlay, Ruushka ayaana soo bandhiggay FEYLAL tiro badan oo uu ku soo uruuriyay xogta la xriirta Af-gambiga iyo sida loo sameeyay qorshaha, min billow ilaa iyo dhammaad.

Billowgii wada-hadalka looma sheegin Erdogan iyo saaxiibadiisa hoose,xitaa maba aysan ogeyn imaashiyaha wakiil Dugin.

Putin ayaa ragnimo u muujiyay Erdogan,maadama isagoo la dagaalsan uusan ka aamusin balse uu ku caawiyay SIR dhib ku aheyd inay heshso dowladda Turkiga,taasoo lagu micneeyay in labada madaxweyne uu qalbi ahaan ka dhaxeeyo is-aaminaad qoto-dheer,marka laga soo tego khilaafka jira.

24 saac kadib markii uu fashilmayay Inqilaabkii Turkiga, oo sida la sheegeyna waaxda difaaca iyo laanta sirdoonka Mareykanka ay TV-yada hor-fadhiyeen, si ay ula socdaan hadaba halka ay howsha mareyso iyo sida loo bur-burinayo dowladda doorashada ku timid ayaa waxaa durba is-baddelay go’aankii Washington oo soo baraarugtay,kadibna si aan la jecelysan uga hadashay dhacadan.

Garoonka diyaaradaha Incirlik oo sal-dhig u ah ciidamada NATO oo uu hoggaaminaayo Maryenkanka ayaa xilligii uu af-gambiga socday waxaa halkaasi kasoo duulayay diyaaradaha dagaalka Milateriga oo duqeynayay Ankara iyo Istanbul,kuwaasoo xitaa isku-dayay inay HAWADA ku khaarijiyeen madaxweyne Erdogan.

Iyadoo Mareykanka uusan Turkiga uga digin dhaq-dhaqaaqa inqilaab ayuu haddana ku sii darsaday in garoonkii uu maamulayay ay kasoo duulaan diyaarado uu ogyahay inay bur-burinayeen dowllad uu hogaamiyo madaxweyne aad ugu dhow oo waliba saaxiibadiis kalena uga soo go’ay.

Wadaadka Fettulah Gulen ee ku nool gobolka Pennsylvania, sida la aaminsan yahayna caawinaad iyo wada-shaqeyn ka hela CIA-da ayaa la sheegay inuu soo xer-xertay boorsooyinkiisa,waxaa uuna noqon lahaa madaxweyne marka uu Af-gambiga guulleysto.

Xaqiiqada aysan kuu sheegin WARBAAHINTA ayaa ah” in 7 ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo caawinaad ka helayay qalabka difaaca ee S400 ay diyaaridihii Af-gambiga ugu hanjabeen inay soo ridi doonaan haddii uu soo qabto RAADEERKOODA, taasoo caawisay dowladda Erdogan maadama aysan Milaterigu awoodin inay sameeyaan dhaq-dhaaq xor ah.

Barasaabka caasimadda Ankara waqti badan isagama luminin inuu abaabulkii inqilaabka ku eedeeyo dowladda Mareykanka illeen waa ninkii uu Ruushka gacanta u geliyay codad iyo qoraallo xasaasi ah maalmo kahor isku-deygii fashilmay.

Kummanaan taliye, xaakinno, Jaamiciyiin iyo shaqaallo rayid ah ayaa loo taxaabay Xabsiga, iyadoo Erdogan uu ku hanjbay inuu baal-siibi doono kooxda uu ku tuhmayo inqilaabka.

Inkastoo dowladda Turkigu ay gashay halgan adag haddana xogtii ay ka heshay Ruushka ayaa sidookale wax badan ka caawisay.

Safiirka Mareykanka u jooga Ankara ayaa laga dareemayaa inuu ka niyad-jabsan yahay sida uu u xumaaday xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Turkiga.

Ihaannada ilaa iyo hadda uu hilaami la’yahay Mareykanka ayaa ah in xilligii uu socday Af-gamiba ay ciidamada daacadda u ah Erdogan korantada ka jareen garoonka diyaaradaha Incirlik, waliba tiro ciidamo ah ayaa la dul-dhiggay oo waliba hal hal ayaa loo xer-xeray saraakiishii la shaqeyneysay NATO saaxiibadana la ahaa Mareykanka.

Gabo-gabadii, Erdogan ayaan qarinin sida uu u tuhunsan yahay Mareykanka iyo reer galbeedka oo dhan, waxuuna marar badan yiri ” waddamo aan saaxiibo dhow moodnay ayaa na khiyaamay, waase la kala baxayaa”.

Maanta oo talaado ah ayuu Erdogan booqanayaa Ruuska lana kulmayaa dhiggisa Putin, taasoo dhabar-jab ku ah siyaasadda Mareykanka, waxayna muujineysa in Turkigu uu markan si niyad wanaag ah ula xeran doono Ruushka oo ah awoodda keliya ee hor-joogsan karta taliska Washington.

Shacabka Turkiga ayaa taariikh lama iloobaan ah ka dhiggay dunida, waxaana lagu xasuusan doonaa inay issu dhiggeen Taangiyo,taasoo lagu tilmaamay geesinimo xad-dhaaf ah waxayna dalal badan bareen waxa ay tahay dimuquraadiyadda.

Haddaba, haddii aad qiimeyso, yaa dhanka Sirdoonka ku horreeya Mareykanka iyo Ruushka?

Warbixintan waxaa qortay sott.net, iyada ayaana leh mas’uuliyaddeeda.

Waxaase soo tarjumay Maxamed Cisman Cumar Xabiib.

Comments are closed.