Akhriso: Magacyada iyo Beelaha Xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland

Wararka Maanta

Baarlamaanka Maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ku doortay sideeda xubnood ee ku matalaya Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta Aqalka sare waxaa ku tartamayay musaharxiin dhowr ah, waxaana xubnaha laga adkaaday kuna guul dareestay in ay kamid noqdaan Aqalka sare kamid ahaa Siyaasiga Caanka ah Maxamed Cabdi Gaandi oo horey usoo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga Somalia.
Xubnaha Aqalka sare ku matalaya Maamulka Jubbaland waxaa kamid noqday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee maamulka Jubbaland Col. Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag) oo isagu ku guuleestay doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.

Halkan ka Aqiso Magacyada 8-xubnood ee Jubbaland ku matalaya Aqalka sare:

1-Xasan Faarax Xujaale(Ogaadayn)

2-Axmed Xaashi Maxamud (Ogaadeyn)

3-Cabdulahi Sheikh Ismaaciil (Mareexaan)

4-Mowliid Xuseen Guhaad (Mareexaan)

5-Axmed Cabdixafiid Maxamed (Digil iyo Mirifle)

6-Iftiin xasan baasto(Cowrmale)

7-Axmed Macalin Cumar (Dir-biyimaal)

8-Faadumo Xasan Aadan ( Gari koombe)

Comments are closed.