Akhriso: Heshiiska Shirka Arimaha Doorashada

Wararka Maanta

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

27 May 2021

WAR-MURTIYEED

Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha, Jubaland Axmed Sh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxed {Laftagaren, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye{ Qoorqoor}, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen { Cali Guudlaawe}, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxamed Filish.

Shirka ayaa ka dhacay Magaalada Mogadisho, socdayna 22 – 26 May 2021. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si qoto dheer uga dooday xal u helista caqabadaha fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee hannaanka qabsoomidda doorashada hay’adaha dastuuriga ah ee Federaalka Soomaaliya.