Sawirro: Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliiska

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Hoggaanka Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliiska Somaaliyeed. Wasiirka waxaa kormeerkiisa ku wehliyey wasiirka ku xigeenka Maaliyadda Qaloocow.

Wasiirka ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliiska Somaaliyeed, waxaana uu kala hadlay sidii ay bulshada Soomaaliyeed lacagaha laga soo aruuriyo loo ilaalin lahaa.

Mudane Beyle ayaa Mas’uuliyiintii uu la kulmay ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dardargelinta howlaha Canshuuraha, islamarkaana aysan dhibin Shacabka Soomaaliyeed.

4-26 3-27