XAAFOW XIL BAA YIMID!!!

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Galmudug Wararka Maanta

Axmed Ducaale Geelle XAAF 
Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxa uu ku dhashay Magaalada Gaalkacyo waxbarashadiisa aasaasigana uu ku soo qaatay,

Mudane XAAF waxay dadku barteen xilligii burburka oo uu kamid ahaa aas-aasayaashii garoonka diyaaradaha Nambar Konton (No.50) ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo laga soo dajin jiray Qaadkii Magaalada Muqdisho iyo weliba deegaanada ku xeeran oo dhan laga cuni jiray. Dadku ma oga intooda badan in uu Jaamacadda Umadda, Kulliyaddeeda Dhaqaalaha kasoo baxay, intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqeeyay Bangiga Dhexe ee Somaliya sanadihii 1975-1979-kii.

Xildhibaan ayuu soo ahaa muddo 16 sano ah, doorashadii xildhibaanada dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ka dhacday Cadaado oo nidaamka Xildhibaan-noqoshada la badalay, loona baddalay mid ay soo xulayaan Ergo 51 qof ka kooban ayuu ku guul darreystay, markii uu cadaadis kala kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug, waxaana kursigii uu caanka ku ahaa ee uu beeshiisa ku matali jiray muddada intaa la eg kala wareegay Axmed Macallin Fiqi oo caawinaad ka helay Guddoomiyihii guddiga doorasha Xuseen Farmashiye iyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wixii intaa ka dambeeyay wuxuu u soo jihaystay Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaa abuurmay arrin xiisad wadata taasoo ugu dambeyntii keentay in Xildhibaanno 54 xildhibaan tiradoodu gaareyso ay xilka ka xayuubiyaan Madaxweyne Guuleed.

Durbaba wuxuu ku dhawaaqay Xaaf in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaa la tartamayay laba murashax oo kala ahaa Shirwac iyo Axmed Shariif, olole doorasho oo xoog leh ayaa meel walba ka billowday, murashax walba murashaxa kale inta uu ka cod dheeryahay ayuu ololihiisuna ahaa.

Baraha bulshada iyo website yada waxaa laga sameeyay qiimeyn qofka u qalma inuu hoggaamiyo Galmudug, Madaxweyanaha la doortay ee Xaaf wuxuu ahaa Shaqsigii ugu codka yaraa dhinaca saadaasha codadka shacabka.

Natiijadu waxa ay noqotay mid lala yaabay markii uu codad badan ku hoggaaminayay Axmed Ducaale, wuxuuna ku sigtay wareegii koowaad inn uu ku guuleysto iyadoon looba baahan wareeg kale, hayeeshee wareegii ugu dambeeyay ayuu codad badan kaga adkaaday Mudane Xaaf murashaxii la tartamayay ee ahaa Axmed Shariif.

Khudbadihii gaba gabada markii la soo gaaray waxaa Makarafoonka qabsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hoggaaminayay wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee goob joogga ka ahaa Doorashada Galmudug.

Wasiirka oo markiisii labaad ay u ahayd tan iyo intii uu xilka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka hayay ayaa yimid iyadoo ay la socdaan wasiirro kale oo uu ugu horreeyo Wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda Fedraalka Mudane Axmed qoor qoor, oo cadaado aad looga yaqaan.

Hadalkii uu halkaa ka jeediyay ee ahaa XAAFOW XIL BAA YIMID!!! Waxaa lagu macneeyay in Xaaf uu u ekaa inuusan xilka ku guuleysan doonin, isla markaana lagu baraarujinayo in uu yahay Madaxweyne Galmudug, weliba si sharci ah loo soo doortay, xildhibaano farabadan oo Galmudug ahna ay codkooda siiyeen, iyadoo dadka qaar ay leeyihiin xildhibaanadu ma jirin wax gaar ah oo ay ku xusheen Madaxweynaha ay doorteen ee Xaaf, inkastoo uu yahay nin dhaqaalaha bartay, balse dadku ay moodaan in uu yahay Hoggaamiye kooxeed aan aqoon lahayn.

Taasina wey beenowday kaddib markii xildhibaanada Galmudug oo u baahan rug caddaa samata-bixin kara Galmudug ay u igmadeen xilkaaasi in uu qabto Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Isagoo isla socdaalkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay Magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaasoo uu ka dhacay shirkii Soomaalida loogu qabtay kana soo qeyb galeen dhammaan dowlad goboleedyada.

Waad ku mahadsantahay aqriskaaga

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale

Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)

Official E-mail: imanjimale@gmail.com

Yahoomailimanjimale@yahoo.com

Twitter: twitter.com/ImanJimale

Facebook: https://www.facebook.com/Imanjimale

Hotmail: iimaan123@hotmail.com