ISKA KAY ILLOW UMA XIISIN JACAYLKAAGII…..

Arimaha Bulshada SHEEKOOYIN Wararka Maanta

ISKA KAY ILOOW UMA XIISIN JACAYLKAAGII…..
Goor sheegtadu waxaay ahayd 3:00pm galabnimo xili salaada casir la adimaayey waxaan kasoo baxay gurigeyga anigoo kusii wajahan goob aan markaas wax barasho u aadaayey intii aan jidka kusii socday waxaa iga hor timid gabar aan markaas isla dhigano iskoolka isku fasalna ahayn iyo wiilaal markaas la socday
Salaam iyo is marxabayn kadib waxaay hadal ku bilaabtay ‘’faay aan ku baro wiilashaan waa dariskeyga barasho wacan ‘’
Halkee ayaan isku baranaay wiilashii walow aan markaas meel u dag dagsanaa waxaana ku dhahay waan sii baxaa dhamaanteen asxaabteyda”
Mid ka mid ah wiilashii aan halkaas isku baranay ayaa igu dhahay aan kusii dhaweeyo “abbaayo faay “waana ka aqbalay inuu isii dhaweeyo
Intee aan aan jidka kusii soconay ayaan si fiican isku baranay

Wuxuuna hadal ka bilowday sida tan
Ka waran hadii aan is barano”abbaayo sideese u aragtaa barashadeyda?
Waan soo dhaweynaayaa barashadaada aboowe welcome?
Macagaygu waa cabdi waxaan ku dhashay wadan USA waxaan wax barashadeyda kusoo qaatay heerka koowaad “Bachelor Degree faculty of Business and management ” gobolka Ohio
Waxaan sidoo kale hadda ku guda jiraa diyaarinta “master degree “
Waxaa dalka u imid in aan soo booqdo qaar ka mid ah qaraabadeyda inta aan ku guda jiro fasaxayga sanad laha ah

Halkaa marka ay war inoo maraayo ayaa isla markiiba u qaaday hami dareen inkastoo aan anigu ahaa ardayad dhigata dugsiga sare fasalka form three
Laakiin waxaan dareemay in aan helay qofkii aan in badan raadin jiray sidoo kale isla markiiba wuxuu hadalka iisii raaciyey ‘xaas miyaad tahay abbaayo”
Waxaan ugu jawaabay ‘may aboowe adina’’
May laakiin ka waran haddii aan aniga iyo adiga xariir jacayl yeelano ayuu igu dhahay laakiin waxaan ku dhahay waan kasoo fakaraa walow aan hada jid socona go’aan ma gaari karo wuxuuna isiiyey fursad aan ugu soo fakaro

Markii aan imid xaafada isla markiiba waxaa kalay qolkeyga anigoo ka fakaraaya hadalkii uu igu yiri”cabdi ‘ daqiiqado ka dib ayaa waxaan soo qaatay taleefoonkeyga gacanta isla markiina waan wacay waxaana u sheegay in aan diyaar u ahay in aan xariir la yeesho,waxaan ku balamiyey in uu iigu yimaado guri ay gabar saaxiibtey ahayd daganeyd oo aan saas uga fogeyn goobta aan waxbarashada u aado
Waxaan u sheegay in aan ahay ardayad wax barata laakiin diyaar ula ahay in aan xariir jacayl la sameeyo kana miro dhalino jacaylkaas
Maalinba maalinta kasii danbeysa waxaa igu badanaayey jacaylka aan u qaaday cabdi walow uu ahaa wiil qosol iyo farxad alle ku baneystay waxaan siiyey kalsooni mida ugu badan ee la siiyo qofka bini’aadamka ah ugana bandhigtay qalbigeyga inaan asaga u hadiyadeeyo
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu si kadis ugu dhahay ka waran haddii aan is mehersano ?
Kama aanan diidin waan ka yeelay in aan si qarsoodi ah isku mehersano waayo waxaa iga baday jacaylka aan u qaaday markaas iyo kalsoonida aan u qabay darteed laakiin waxay ugu noqotay arin aan fileyn in marnaba xaajo saan noqon doonto
3 bilood kadib wuxuu ku laabtay cabdi wadankii uu ka yimid xili aan aniguna is badalay oo ay isoo wajahday xaalad xusub oo hor leh waxaan iska dareemay in aan lee yahay’ Uur walow aysan markaas ka warqabin qoyskeyga laakiin aan is lahaa hadii aad cabdi u sheegto wuxuu la soo xariiri doonaa waalidiintaa siduu dhaqanka ahaana wuu kusoo dooni doonaa laakiin arin sida aan moodaayey ma aysan noqon
Markii uu baxaayey wuxuu isiiyey lambarkiisa laakiin nasiib xumo wuxuu ku xirtay cajal markasta oo aan Waco cajal ayaa iga qabanaayey ‘
Waxaa halkaas ku baaba,ay mustaqbalkii aan ka lahaa noqosheyday waxaana iskaaga haray dhamaan waxbarashadii aan dhiganaayey waayo waxaa isoo wajahday xaalad culus meelkasta oo aan istaago waxaan aaminsanaa in aniga la iga sheekaysanaayo waxaan ka fogaaday dhaman meelihii la iga yaqaanay oo dhan
Muddo ay kasoo wareegatay 2sano kadib ayaan isku aragnay (SOCIAL MEDIA ) Mid ka mid ah
Anigoo isticmaalaya laakiin uma sheegin in aan cunug u dhalay
Balse aan u sheegay in aan u xiisin asaga iska keyna iloobo waayo wuxuu ku ciyaaray mustaqbalkii aan ka lahaa noqoshayda wuxuuna igu riday niyad jab aad u weyn’’’’’’’’’’’’’’

W/Q Fatxi Xaaji Abshir [Niiniile]