Sawirro: Shirka Heerka sare ee Gurmadka Abaaraha oo Muqdisho ka furmay

Wararka Maanta

Waxaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho shir heer sare ah oo looga hadlayo gurmadka abaarta dalka ka jirta, shirkan ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan oo hal maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, Wasiirka Amniga, wasiirka Qorsheynta, iyo Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Benaadir.

Waxaa khudbad heerka abaarta iyo saameynteeda ka soo jeedin doona Guddoomiyaha Guddiga qaran ee gurmadka abaaraha mudane Maxamed Cumar carte

Waxa sidoo kale joogaa Hey’adaha Gargaarka iyo deeq bixiyaal badan. Waxaa lagu yaboohi doonaa dhaqaalo badan oo loogu gurman doono Dalaka.

FB_IMG_1488266842154IMG_20170228_100324 IMG_20170228_100456FB_IMG_1488268266480 FB_IMG_1488268271503