Qarax gaari oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaa wadada Buundooyinka ee kala qeybisa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari ee gobolka Banaadir iyadoo warar kal duwan ay kasoo baxayaa qasaaraha qaraxaasi.

Gaari nuuca raaxada ayaa la sheegay inuu halkaasi ku qarxay kaas oo marayey wadada waxaana lasoo wariyey inuu ahaa qarax mid lagu xiray gaariga oo gabi ahaan burburay.

Goobta waxaa gaaray ciiddamada amaanka ee dowlada oo halkaasi kawada baaritaan mana cadda ilaa iyo hada cida wadatay garigaas.