Shaqadii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Hakad ku jirta

Wararka Maanta

mog6

Waxaa hakad ku jirta shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaddib markii shaqo joojin ay sameeyeen shirkadaha diyaaradaha ee isugu jira kuwa gudaha iyo dibadaba. Shaqo joojintan ayaa ka dambeysay markii lacago dheeraad ah lagu soo rogay rakaabka diyaaradaha, laguna amray shirkadaha diyaaradaha inay ku daraan qiimaha tikidka.

Shirkadaha Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ka hor-yimaadeen amarkan, iyagoo sheegay in markii hore ay dhib ku qabeen amar horay ugu soo baxay Wasaaradda Maaliyadda oo ahaa in rakaab walba ee ka dhoofaya garoonka laga qaado lacag dhan $20 (Labaatan dollar) oo canshuur ah, waxaana lagu daray $10 dollar.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya gudaha ay iyana shaqo joojintan qeyb ka yihiin, kaddib markii iyana lagu soo rogay lacago dheeraad ah, oo ah in rakaabka ka dhoofaya garoonka laga qaado lacag dhan $20 (Toban dollar), halka markii hore laga qaadi jiray $10 (toban dollar).

Lacagahan oo ahaa canshuurta maaliyadda ayaa u soo martay Shirkadda gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Favori LLC, waxaana ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha ee isugu jira kuwa caalamiga iyo kuwa gudaha inay fuliyaan in rakaab walba laga qaado lacag dhan $30 iyo $20 oo canshuur ah, waxaana lacagtan lagu faray inay ku daraan Ticket-ka diyaarada

Shaqo joojintan ayaa waxay saameysay howlihii duulimaadyada garoonka, iyadoo saacado ay dib u dhaceen rakaabkii saaka ka dhoofi lahaa garoonka.

Shirkad lagu magacaabo Sahal ayaa dhowaan ka bilowday garoonka diyaaradaha adeeg la xiriira baabuur dadka ka dhoofaya garoonka looga soo qaadayo agagaarka KM4, waxaana shirkadaas ay rakaabkii ka qaadaan lacag dhan $11 (kow iyo toban dollar).

Waxaa kaloo jirtay in shirkad gaar ah ay la wareegtay adeegii Viisaha (Sticker) oo ay bixineysay Waaxda Socdaalka, waxaana shirkadan lacag dhan $60 ka qaadaa dadka heysta baasaboorada ajnabiga ah ee loogu dhifto viisaha dal ku galka ah, waxaana horay looga qaadi jiray dadka baasaboorada ajnabiga wata lacag dhan $50 oo la mid ah kuwa lagu qaado Garoomada caalamiga ee Adduunka ku yaalla, hase ahaatee shirkadan oo lagu magacaabo IST oo ay leeyihiin shaqsiyaad dowladda ka tirsan ayaa macaash ka helaya qiimaha ay ku kordhiyeen warqada Sticker ama Viisaha dal ku galka ah ee lagu dhifto Baasaboorka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka shacabka ku qabaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee loo gacan geliyay adeegyadii dadweynaha oo aheyd in dowladdu qabato, waxaana shirkadahan ay ka faa’idayaan qiimo dul-saar ah oo ay saareen lacagihii horay looga qaadi jiray shacabka, hadii ay ahaan laheyd canshuur iyo adeegyo kaleba.

Xigasho: Jowhar.com