Manchester United iyo Chelsea Oo Ku Dagaalamaya James Rodriguez

Ciyaaraha

antonio-conte-736881

kooxaha ka wada ciyaara horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Chelsea ayaa ku dagaalami doona xidiga kooxda Real Madrid James Rodriguez , kaasi oo la aaminsanyahay inuu soo dhamaanaayo waayihiisa naadiga.

xidiga reer Colombia ayaa Naadiga Real Madrid uga soo biiray kooxda AS Monoco kadib markii uu bandhig fiican kasoo sameeyay koobkii aduunka ee 2014, isagoo u dhaliyay 17-gool xili ciyaareedkiisi ugu horeyay garoonka Bernabeu.

25-sanno jirkaan ayaa hoos u dhac ku yimid wax qabadkiisa xagaagan isagoo kaliya hal gool dhaliyay 12 kulan uu u safatay kooxda reer spain xili ciyaareedkan.

Man United ayaa aad loola xiriirinaayay James. laakiin sida ay qorayso The Express, waxay tartan adag kala kulmayaan Chelsea kuwaas  oo suuqa ugu jira kubad sameeye cusub.

W/D Hafsa Haji