Philippe Coutinho Oo Garoomada Ka Maqnaanaayo Ilaa Sanadka Cusub

Ciyaaraha

p161126-024-liverpool_sunderland

Xidiga kooxda Liverpool Ee Philippe Coutinho ayaa la soo warinayaa inuu garoomada ka maqnaanaayo mudo shan ilaa lix isbuuc kadib dhaawac kasoo gaaray anqowga.

kubad sameeyaha reer Brazil ayaa maray baaritaan maadama dhaawac ahaan looga saaray kulankii ay Liverpool guusha ka gaartay kooxda Sunderland habeenkii sabtida.

war xaqiiq ah kama soo bixin naadiga laakin sida ay kusoo waramayso jariirada Daily Mail ciyaaryahankaan diyaar ma noqon doono ilaa sanadka cusub.

sida la filaayo waxa uu ka maqnaan doonaa kulamada kala ah Bournemouth, West Ham United, Middlesbrough, Everton, Stoke City, Manchester City iyo Sunderland, sidoo kale FA Cup wareega  saddexaad.

Coutinho ayaa Liverpool u dhaliyay lix gool dhamaan tartamada oo dhan isagoo kooxdiisa ka caawiyay inay fadhiisato booska labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League kadib 13 kulan.

W/D Hafsa Haji

Comments are closed.