Daawo: Taliyaha AMISOM oo ka warbixiyey ciidamada Cadaado soo gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Taliyaha guud ee Howlgalka Amisom Jeneraal Cismaan Subagle oo wareysi siiyey Ceelhuur Online ayaa sheegay in ay magaalada Cadaado u soo gaareen sidii ay ugu qeyb qaadan lahayeen suggidda amniga doorashada ay marti galinayso Magaalada.

Waxaana maalintii labaad Magaalada Cadaado soo gaaray ciidamo ka socda wadamada Jabuuti iyo Burundi, waxaana ciidamada Jabuuti sii joogi doona magaalada Cadaado kadib dhamaanshaha doorashada xildhibaanada, waxaanaa ciidamadan fadhiisimo ka sameysteen Garoonka diyaaradaha iyo xarumaha doorashada.

Tagged

Comments are closed.