Guddiga Doorashooyinka oo ka hadalay halka ay marayso doorashada aqalka hoose

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka dadban Avv. Cumar Maxamed Maxamed Cabdulle dhageey ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso doorashooyinka aqalka Hoose, isla markaana inta badan Maamul-goboleedyada ay soo xareeyeen ergooyinka soo dooran lahaa Xildhibaannada aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga (Cumar Dhageey) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay hanaanka loo dooranayo aqalka Hoose iyo sida ay wax u socdaan.

“Illaa iyo hadda ergooyinka la xareeyay, waxaa ugu horeeya Maamul-goboleedka Jubbaland oo soo dhameystirtay dhammaan 43 kursi ergooyinka, waxaa kaloo soo diyaariyay Maamul-goboleedka Koofur galbeed oo 57 kursi ergooyinkooda, waxaa soo sedexaaye oo 37 kursi laga rabay, soo diyaariyay 31 kursi, Galmudug ,20 kursi ergadooda ayaa diyaar ah, waxaa kaloo diyaar ah 20 kursi oo dhanka Puntland, waxaana rajeyneynaa in la soo dhameystiri doono guud ahaan inta dhiman” ayuu yiri Cumar Dhageey.

Guddoomiyaha guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo la weydiiyay rajada laga qabo in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ayaa ku jawaabay.

“Rajada aad bay u muuqataa, marka aad ka qiyaas qaadan karto doorashadii aqalka sare, waqtigii loogu talagalay qaar way ku dhacday, waqti ku dhawna kuwa kale ayaa la qabtay, hadda waxaa diyaar ah goobihii codbixinta, howlwadeenadii shaqada qaban lahaa waa diyaar, mar haddii ay howsha socoto, waxaan qabnaa in ay ku dhamaan doonto waqtigii loogu talagalay, ama mid aan ka fogeyn”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga.

Isha: Sonna