Galmudug oo ku baaqday in la gargaaro shacabka ku barakacay Colaada Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay caawa baaq ugu dirtay bulshada Galmudug meel kasta ay joogaan, dowlada federaal, beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka in ay caawiyaan dadka ka barakacay dagaalada ka aloosan magaalada Galkacyo.

Ilaa 50,000 oo qof ayaa ka barakacay Galkacyo sida ay sheegtay hay’ada UNCHR, waxaana intooda badan dadkaan ku dhibaataysan yihiin duleedka magaalada.

Hadaba hoos ka aqriso warsaxaafadeedka
screenshot_2016-10-24-00-40-45-1

Comments are closed.