Alshabaab oo la wareegay Deegaanka Halgan kadib markii ay ka baxeen ciidamada itoobiya

Wararka Maanta

Ciidammada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saakay aroortii isaga baxay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, Mas’uuliyiintii maamulka degmada ee dowaldda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay horay u sii raaceen ciidammadii halkaa isaga baxay.

Lama oga halka ay u jiheysteen ciidammada Itoobiya ee isaga baxay Halgan, hasse ahaatee waxaa la rumeysan yahay in u dhaqaaqeen dhinacadegmada Beledweyne oo ay ku leeyihiin saldhiga ugu weyn ciidammada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Xoogagga Al-shabaab  ayeey sheegeen dadka deegaanka in markiiba ay la wareegeen deegaanka, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka rayidka ah., Ciidanka Itoobiya ayaa todobadyadii aynu soo dhaafnayba dhaq-dhaqaaqyo dib u gurasho ah ka wadday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Alshabaab ayaa bishii Juun ee sanadkan weerar xooggan oo ay ku qaadeen xero ciidanka itoobiya ku lahaayeen deegaanka Halgan waxaa kasoo gaaray khasaare badan, waxaana la sheegay in dagaalkaas kaga dhinteen in kabadan 100 askari.

 

Comments are closed.