Gerard Pique Oo Doonaya Inuu Noqdo Madaxweynaha Barcelona

Ciyaaraha

31a8ff9b00000578-3837697-image-a-13_1476426761972

Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa jecel in uu noqdo madaxweynaha kooxda marka uu ka fariisto xirfadiisa ciyaareed.

Daafaca dhexe ayaa ku biiray kooxda reer Spain isagoo toban jir ah, ka dib markii afar sano kusoo qaatay Manchester United ayuu  ku soo laabtay Camp Nou sanadii 2008, halkaas oo uu tan iyo markii uu tegey waxa uu saftay 365 kulan tartamada oo dhan.

Isagoo u hadlayay TV-ga Spain TV3, Pique ayaa qirtay in uu damaciisa yahay  mustaqbalka inuu madaxweyne u noqdo Barca.

 

Inta lagu guda jiro waqtiiiga Barca, Pique ayaa ku guuleystay lix horyaal oo La Liga, seddex koob oo Champions League ah iyo afar Copas del Rey.