Gabi Oo Hishiis Cusub U Saxiixay Atletico Madrid

Ciyaaraha

cukt7-bxgaavcpq

Kabtanka kooxda Atletico Madrid Gabi ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Vicente Calderon kordhiyay ilaa xagaaga 2018.

33-sano jirkaan ayaa haatan markii labaad naadiga Atletico, isagoo markii hore ka tagay kooxda ka dhisan caasimada waxa uuna  ku biiray Real Zaragoza 2007, ka hor inta uusan soo laaban xagaagii 2011.

Gabi ayaa in ka badan 250 kulan u saftay Atletico tan iyo markii uu Madrid ku soo laabtay, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu faraxsan saxiixay heshiis cusub .

Gabi ayaa ku guuleystay horyaalka La Liga, Europa League iyo hal Copa del Rey markii uu joogay garoonka Vicente Calderon.

Tagged

Comments are closed.